Golaha Guurtidda Somaliland oo Loo Gudbiyay Mooshin Ka Dhan Ah Hay’adda UNDP

0
1585
UNDP
UNDP

Hargeisa (Hargeisa Press) – Shir-guddoonka golaha Guurtidda Somaliland ayaa maanta loo gudbiyay mooshin ka dhan ah hay’adda UNDP, taas oo ay ku eedeeyeen in ay faro-gelin ku hayso golaha.

Xildhibaanada mooshinkan ka gudbiyay hay’dda UNDP ayaa waxaa ay tiradoodu dhan tahay 15 mudane.

Xildhibaan Cabdicasiis Maxamed Gaaxnuug iyo Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Ilkacase oo ka mid ah Xildhibaanada mooshinka gudbiyay oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay faah-faahiyeen nuxurka mooshinkaasi.

Akhriso: Xog ku saabsan sababta Mudaneyaasha Guurtidu qaarkood uga qayliyey Hay’adda UNDP, Mooshinkana uga keeneen.

Mudaneyaasha Golaha Guurtida qaarkood, ayaa si weyn uga qayliyey dhaqdhaqaaqyo Golaha Guurtidu bilaabeen oo la xidhiidha xog ururin lagu samaynayo qaabka loo soo dooranayo Mudaneyaasha Golaha Guurtida, oo laga soo sameeyey Gobollada qaarkood.

Qorshahan Golaha Guurtida dardar geliyeen ee ku saabsan samaynta xeerka lagu soo dooranayo Mudaneyaasha Golaha Guurtida, isla markaana kulamo la tashiyadan loo qabtay ay Golaha ka taageertay Hay’adda UNDP, ayaa sababay in Mudaneyaasha qaarkood ka biyo diidaan qorshaha lagu dardar gelinayo xog ururinta qaabka loo dooranayo Golahooda.

Mudaneyaasha Golaha Guurtida, ayaa kuraasta fadhiyey muddo ku dhow 30 sanno, oo bilaa doorasho ah, iyada inta badan Xildhibaannadii wakhtigaasi la soo doortay ay geeriyoodeen Kuraastoodiina ay dhaxleen Ubadkoodii.

Mar la isku dayo samaynta Xeer lagu dooranayo Golaha Guurtida, ayaa waxa diidmo kala hor yimaada Mudaneyaasha Guurtida qaarkood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here