Golaha Guurtidda Somaliland Oo Dood Ka Yeeshay Xaaladda Guud Ee Dalka

0
416

Hargaysa (HP): Golaha Guurtidda Somaliland ayaa maanta dood ka yeeshay xaaladda guud ee dalka oo  ka mid ahayd qodobada ajandaha kal-fadhigooda 74aad oo ay golahaasi falan-qayntiisa ku jiraan.

Fadhiga maanta waxaa shir-guddoomiyaayay guddoomiyaha golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan,  iyadoo ay doodda arrinataasi ka qayb qaateen xildhibaanno kala duwan.

Waxaanay xildhibaanadii doodda arrintaasi ka qayb qaatay sheegeen in xaaladda guud ee nabadgeliyada dalku ay fiican tahay, isla markaana loo baahan yahay in shacabku ay sii xoojiyaan la shaqaynta laamaha amaanka ee dawladda.

Mudaneyaashii dooddaasi ka qayb qaatay waxay ka doodeen dhibaatadda ay Qabyaaladu ku yeelan karto nabadgeliyadda iyo horumarka dalka.

Waxaanay guud ahaan shacabka Somaliland u soo jeediyeen inay ka dheeraadaan addeegsiga Qabyaaladda.

Maadaama oo uu dalku galay xaalad doorasho, iyadoo la isku diyaarinayo in la soo doorto goleyaal ka shaqeeya horumarka iyo samaynta shuruuc qaranka wax tar u yeesha.

Dhinaca kale,  xildhibaanadda golaha Guurtidu waxay bogaadiyeen hawl-galo ay dhawaan fuliyeen  ciidanka laanta socdaalka Somaliland.

Hawl-galkaasi oo ka dhan ahaa dadka ajaanibka ah ee dalkeenna ku nool, iyadoo ay ciidamadda laanta socdaalku ku qab-qabanayeen ajaanibka, isla markaana ay ku samaynayeen baadhitaano iyo hubin sifaha ay dalka ku joogaan.

Iyadoo ay ciidamadda laanta socdaalku dadkaasi ajaanibka ah ee sifaha sharci darradda dalka ku soo galay dib ugu masaafurinayeen dalalkooddii.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY