Golaha Guurtidda Somaliland Oo Dood Ka Yeeshay Arrimaha Dhaqaalaha Dalka

0
358

Hargaysa (Hargeisa Press): Golaha Guurtidda Somaliland ayaa fadhigoodii maanta dood ka yeeshay halka uu marayo xaalka arrimaha dhaqaalaha ee dalka.

Waxaanay mudaneyaashu qodob qodob isku dul taageen meelaha ay Somaliland dhaqaalaha ka hesho, sida beeraha, xoolaha nool, kalluunka wershadaha, iyo xabkaha iyo feleemka.

Fadhiga maanta ee golaha Guurtidda oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha golahaasi ayaa xildhibaanadda ku wargeliyay ajandaha doodad maanta iyo waxa lagaga doodi doono.

Intii fadhigaasi lagu guddo jiray ayaa waxaa xubno ka mid ah xildhibaanadu waxay dodo kala gedisan iyo aragtiyahooddaba ka dhiibtaan arrimaha dhaqaalaha ee dalka.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here