Hargaysa (HP): Fadhigii maanta ee golaha Guurtidda Somaliland ayay xildhibaanadu warbixino ka dhegaysteen qaar ka mid ah guddi-hoosaadyadda golahaasi oo kulamo la soo yeeshay masuuliyiinta xukuumadda qaarkood.
Fadhigaasi oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan, ayay xildhibaanadii fadhigaasi soo xaadiray waxay warbixino ka dhegaysteen guddi-hoosaadyadda golahaasi.
Guddoomiyaha guddi-hoosaadka siyaasadda arrimaha dibadda ee golaha Guurtidda xildhibaan C/qaadir Indho-indho, ayaa golaha warbixin ka siiyay waxyaabaha ay kala soo kulmeen kulamo ay la yeesheen masuuliyiinta wasaaradda arrrimaha dibadda.
Wuxuu sheegay in wasaaradda arrimaha dibadu ay sanadkii tegay si weyn uga hawl gashay sidii ay Somaliland xidhiidh saaxiibtinimo ula yeelan lahayd dawlado kala duwan.
Kuwaasoo uu tilmaamay in dhamaantoodba ay wasaaradda arrimaha dibadu guullo waaweyn ka soo hooysay, dalalkaasi oo ku kala yaalla qaarradaha Africa iyo caalamka kaleba.
Sidoo kale waxaa isna halkaasi golaha warbixin ku siiyay guddoomiyaha guddi-hoosaadka dhaqaalaha ee golahaasi xildhibaan Axmed Nuur, ayaa isna ka warbixiyay kulamo ay la soo qaateen masuuliyiinta wasaaradda gaancsiga iyo baanka dhexe ee Somaliland.
DAAWO: Warbixintii Ay Guddi-hoosaayadu Siiyeen Golaha Guurtidda:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.