Golaha Guurtida oo Soo Hadal-qaaday Khatarta Daawooyinka La Isku Caddeeyo

0
920

Hargeysa (HargeisaPress) – Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa soo jeediyey in Dhallinyarada Dalka, gaar ahaan Hablaha laga wacyi-geliyo Khatarta Daawooyinka la isku caddeeyo.

Daawooyinka Hablaha Afrikaanka ah ee reer Somaliland ka mid yihiin jidhkooda ku caddeeyaan, ayaa sannadihii u dambeeyay la ogaaday inay mustaqbalka sababaan khataro Caafimaad oo soo waajaha Jidhka Cidda marsata, xanuunnadaas oo waxyeeleeya qaybaha kala duwan ee Jidhka Aadamaha.

Dalalka badan oo ah kuwa ka hooseeya Saxaraha Afrika ayaa qaarkood bilaabeen inay dadkooda ka wacyi-geliyaan khatarta Daawooyinkaasi oo asalkooda hore laga sameeyay Isku-dhisyo Kimikaad.

Xildhibaan Indho-Indho oo Maanta hadal ka jeediyey Fadhi ay yeesheen Golaha Guurtida Somaliland ayaa yidhi “Xalay waxaan daawanayey Telefiishan, waxa ugu badan ee uu ka hadlayey waxay ahayd Daawooyinka ay Hablaheenu is-mariyaan, inkasta oo la yidhi imika dhallinyaradii Innamada ahaana way bilaabeen.”

Xildhibaanku wuxuu sheegay oo kale “Waxa ugu darani waa in Qofka waxan uu is-marinayaa uu Diirka ka saarayo, Xanuunkii buu u nuglaynayaa, Lix dawladood oo Dalalka Sahara ka hooseeya ah ayaa Dadkoodu waxaa is mariyaan baa la yidhi, dabadeedna waxay u nuglaanayaan Kansarka, Macaankii..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raacieyy “Markaa aynu ku wacyi-gelinayo dhallinyaradeena in Daawadaa la joojiyo, Waayo? jidhkaagii ayay furaysaa.”

 

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here