Golaha Guurtida oo Ansixiyay Xeerka Macdanta oo Mudo Horyaalay

0
1128

Hargeysa (Hargeisa Press) Xildhibaanada aqalka Golaha Guurtida Somaliland, ayaa fadhigii ay saaka yeesheen waxaa ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen xeerka macdanta qaranka.

Fadhiga oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa waxaa ka soo xaadiray 50 xildhibaan.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa waxaa uu intaasi kadib cod geliyay ansixinta xeerka xeerka macdanta dalka.

Waxaana xeerkan ogolaaday 49 Xildhibaan, iyadoo aanay jirin cid diiday, cid ka aamustayna ma aanay jirin, iyadoo uu sidaasi ku ansaxay xeerka macdanta qaranka.

Si kastaba, xeerkan macdanta dalka ee ay saaka ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland, ayaa in mudo ah horyaalay golaha.

LEAVE A REPLY