Golaha Dhexe Ee Xisbiga UCID oo Loo Magacaabay Xoghaye Cusub

0
2297

Hargeisa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa Xoghaye cusub u Magacaabay Golaha dhexe ee Xisbigaasi, ka dib markii uu iscasilay Xoghayihii hore ee xisbigaasi, Jiir Cali Madoobe.

Guddoomiyaha UCID ayaa Xoghayaha cusub ee Golaha dhexe ee Xisbiga UCID u Magacaabay Masuul Magaciisu yahay Muxyadiin Cabdiraxmaan Cali.

Sidaana waxa lagu shaaciyey Wareegto uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Xisbiga UCID, taasi oo soo gaadhay Xafiiska warqabadka ee Warbaahinta Hargeisapress,com.

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here