Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo Hoggaan Cusub Doortay + SAWIRRO

0
1119

Borama,(HargeisaPress) —Shirkii lixaad ee golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo maalintiisii labaad galay, ayaa maanta lagu doortay xubno cusub oo hoggaamin doona golaha dhexe, iyada oo sidoo kalena la ansixiyey buuxinta xubno ka bannaanaaday golaha dhexe ee xisbiga.

Shirka golaha dhexe oo magaalada Boorama ka socda maalintiisii labaad, isla markaana doorashada hoggaanka Golaha Dhexe ka hor uu guddoominayey shirka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi sida uu dhigayo xeerka xisbigu, waxa Golaha Dhexe ku doorteen Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-ku-xigeenka hay’adda golaha dhexe ee xisbiga.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Dhexe, ayaa loo doortay xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo hore iskaga casilay xilkii guddoomiye-ku-xigeenka golaha dhexe ee uu hayey, waxaana Guddoomiye-ku-xigeenka cusub ee golaha dhexe loo doortay Md. Cali Maxamed Cali (Cali Caliyow) oo hore uga tirsanaa xisbiga KULMIYE.

Xilalka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-ku-xigeenka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo dhammaantood si dimuqraaddi ah loogu tartamayey, ayey hoggaanka cusub ee maanta la doortay ka guulaysteen tartar ay la galeen xubno kale oo damac kaga jirey kuraastaas, kuwaas oo hambalyeeyey natiijada doorashada furan ee dhacday.

Xubnaha cusub ee loo doortay guddoonka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa si rasmi ah ula wareegay hoggaaminta shirka golaha dhexe oo haatan si rasmi ah u socda.

Dhinaca kale, waxa xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ansixiyey 65 xubnood oo buuxiyey boosas ay banneeyey 40 xubnood oo ka baxay xisbiga ama xannuunsaday, 20 xubnood oo geeriyooday iyo 5 xubnood oo laga saaray golaha dhexe, waxaanna ergada golaha dhexe ee shirka maalinta labaad fadhiday oo ahayd 265 ay ku meelmariyeen cod aqlabiyad ah.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA

 

LEAVE A REPLY