Golaha Degaanka Degmada Burco Oo Doortay Maayar Iyo Ku Xigeen Cusub.

0
471

Burco,(HargeisaPress)–Maxkamadda gobolka Togdheer ayaa dhaarisay xubnaha cusub ee golaha deegaanka ee degmada Burco, iyagoo fadhigoodii ugu horreeyay ee ay yeeshaan iskaga dhex doortay Maayar iyo ku xigeen.

Sida uu ku soo waramaayo wariyaha wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA uga soo warama magaalada Burco Khaliil Bare Aw Raan waxa fadhigii u horeeyay ee ay yeesheen golaha degaanka ee degmada Burco furay guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd.

Dhaarinta ka dib xubnaha golaha degaanka degmada Burco ka dib waxay maayar u doorteen Cabdirisaaq Hero, halka maayar ku xigeena ay u doorteen Mukhtaar Baaryare, kuwaas oo labaduba ka soo baxay xisbiga mucaaradka ah ee UCID.

Ugu dambayn gudoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd ayaa xubnaha cusub ee golaha degaanka ee degmada Burco iyo hoggaanka ay doorteenba u soo jeediyay in ay dadaal u galaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen horumarinta baahiyaha kala duwan ee jira degmada Burco ee soo dooratay.

LEAVE A REPLY