Golaha Deegaanka Burco Oo Loo Qabtay Tababar Ku Saabsan Barashadda Dastuurka

0
596

Burco (HP): Wasaaradda xidhiidhka goleyaasha Somaliland ayaa maanta magaaladda Burco ka daah-furtay barnaamijka barashadda dastuurka, shuruucda iyo waddaniyadda.

Waxaana munaasibadaasi goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Deeqa Maxamed Cabdi, Badhasaabka gobolka Togdheer, maayar ku-xigeenka degmadda Burco iyo masuuliyiin kale.

Tababarkaasi barashadda dastuurka ayaa loo qabtay golaha deegaanka Burco, iyo guddiyadda xaafadaha ay ka kooban tahay magaaladda Burco.

Agaasimaha wasaaradda xidhiidhka goleyaasha Deeqa Maxamed Cabdi, oo hadal ka jeedisay furitaanka barnaamijkaasi ayaa faahfaahin ka bixisay u jeedadda ay ka leeyihiin tababarkaasi.

Waxaanay sheegtay in ay hore tababaro noocaasi ah ugu soo qabteen goleyaasha deegaanka ee afar degmo oo ka mida degmooyinka derejadda A.

Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd, ayaa ku bogaadiyay masuuliyiinta wasaaradda xidhiidhka goleyaasha dedaalka ay ugu jiraan sidii ay bulshadda u bari lahaayeen dastuurka.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

 

LEAVE A REPLY