Golaha Deegaanka Baligubadle Oo Ansixiyay Miisaaniyad Sanadeedka 2022-ka

0
323

Baligubadle (HP): Golaha deegaanka ee degmadda Baligubadle ee gobolka Hawd ayaa manata ansixiyay miisaaniyad sanadeedka uu golahaasi ku shaqaynayo sanadka 2022-ka uu golahaasi ku shaqayn lahaa.

Kadib kal-fadhi ay maanta xarunta dawladda hoose ku yeesheen golahaasi oo uu shir guddoominayay maayarka degmadda Baligubadle

Ka doodista miisaaniyadda ee golaha deegaanka Baligubadle ayaa socotay muddo shan maalmood, iyadoo shantaasi maalmood ay xildhibaanadu ka doodayeen sidii la iskula qaadan lahaa miisaaniyadda.

Sida uu sheegay maayarka Baligubadle oo hadal ka jeediyay gebagabedii ansixinta miisaaniyadaasi kadib.

Waxaanu sheegay maayarku in ay rejaynayaan in miisaaniyadaasi ay noqoto mid sidii saxda ahayd ee la rabay u ansaxda, isla markaana looga faa’iideeyo bulshadda gobolka Hawd iyo ta degmadda Baligubadle.

Geesta kale maayarku waxa uu tilmaamay in ay dhawaan soo bandhigi doonaan waxyaabihii u qabsoomay saddexdii bilood ee tegay ee sanadkani iyo sidoo kale qorsheyaashoodda saddexda bilood ee soo socda.

Qorsheyaashaasi oo ay ka mid tahay dhismaha Wadadda dhex marta gudaha magaaladda Baligubadle oo ay dhigi doonaan Laami, iyo mashaariic kale.

Waxaanu ugu baaqay qubre joogta ka soo jeedda gobolka Hawd in ay kala soo qayb qaataan hawlahan horumarineed ee ay wadaan.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY