Golaha Ammaanka oo Ka Shiray Soomaaliya

0
1671

Geneva (Hargeisa Press)- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa khudbadda uu ka dhagaystay Ergayga UN-ka James Swan iyo Ergayga Midowga Africa Francisco Madeira kaga warameen horumarka laga sameeyey ansixinta sharciga doorashooyinka Soomaaliya iyo hawlgalladii ciidanka ee Shabeellada Hoose iyo qabsashada magaalada Jannaale.

Xubnaha Golaha Ammaanka oo markaasi kadib midmid u hadlay ayaa soo dhoweeyey horumarradaas.

Dhinaca kale, waxay Golaha Ammaanku ugu baaqeen madaxda dawladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada inay wada hadlaan.

Dawladda Maraykanka sarkaalka u hadlay ayaa ugu baaqday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu qabto kulanka Golaha Amniga Qaranka oo ay ku wada jiraan madaxda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Waxaa sidoo kale ay xubno ka mid ah Golaha Ammaanku ka hadleen inay ka walaacsan yihiin in ciidamada amniga Soomaaliya meelaha qaarkood sida Gedo loo isticmaalo “xafiiltan siyaasadeed”.

Ergayga Qaramada Midoobay James Swan iyo madaxda kale ee hadashay waxay sidoo kale soo dhoweeyeen wadahadalada u socda Somaliland iyo Soomaaliya iyo kulankii Addis Ababa ku dhexmaray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

LEAVE A REPLY