Golaha Amaanka oo Warbixin Ka Soo Saaray Xaalada Somalia

0
786

New York (Hargeisa Press)- Golaha Ammaanka QM oo warbixin kasoo saaray xaaladda Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, oo nabdoon, loo wada dhan yahay, la isku halleyn karo, cad, islamarkaana waafaqsan dastuurka qabyada ah.

Haddii sidaas ay dhacdo, ayaa lagu yidhi warbixinta Golaha Amaanka, waxay noqon doontaa tallaabo taariikhi ah oo loo qaaday dib u dhiska Soomaaliya, waxayna gacan ka gaysan doontaa horumarka dimoqraadiyadda Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sheegay in dhameystirka hab doorasho ay u baahan tahay isu-tanaasul, waxayna ugu baaqeen dhammaan dhinacyada Soomaaliya inay khilaafka meel iska dhigaan islamarkaana yeeshaan wada-hadallado wax ku ool ah.

Waxa uu sidoo kale Golaha ku baaqay in doorashadu noqoto mid loo dhan yahay oo ay ka qeyb galaan dhammaan qabaa’ilada iyo maamulada Soomaaliya ka jira.

Dhinaca kale, Golaha Ammaanka ayaa walaac ka muujiyey dhibaatada wada-shaqeyn la’aan ee ka dhex taagan dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, taasi oo ay sheegeen inay caqabad ku tahay sidii lagu gaadhi hadafyada Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ugu baaqay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay dib u billaabaan wada-hadallada, si xal looga gaadho arrimaha taagan, islamarkaana la dhameystiro heshiis siyaasadeed loo dhan yahay.

Waxay si gaar ah u adkeeyeen baahida loo qabo in xal laga gaadho xaaladda Jubaland, waxayna ugu baaqeen dhammaan dhinacyada inay wada-hadal ka galaan arrintaasi.

Xubanha Golaha Ammaanka ayaa dhanka kale ku baaqay in horumar laga sameeyo dib u heshiisiinta iyo abaabulka doorashada Galmudug.

Waxay ugu dambeyn ugu baaqeen wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan in isaga oo kaashanaya Midowga Afrika uu sii wado inuu dhinacyada Soomaaliya ka taageero sidii loo heli lahaa waddo hore loogu socdo.

 

Hargeisa Press Desk/ Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY