Go’aamo Laga Soo Saaray Shirkii Guddoomiyeyaasha Waxbarashadda

0
546

Burco (Hargeisa Press.com): Shirkii guddoomiyeyaasha wasaaradda waxbarashada Somaliland ee gobollada dalka oo ka qabsoomay magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer  ayaa shalay la soo gebagebeeyay.

Waxaana gunaanadka shirkaasi laga soo saaray go’aamo la xidhiidha sidii loo dar-dar gelin lahaa dugsiyadda waxbarashadda ee dawladda.

Shirkaasi oo socday intii u dhaxaysay 16-kii  ilaa 17-kii bishan Oktoobar ee sanadkan 2019-ka,  ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ka koobnaa sideed iyo toban qodob, kuwaasoo lagu fulin doono muddo saddex bilood ah.

Xidhitaankii shirkaasi waxaa goob joog ka ahaa wasiirka waxbarashadda Cismaan Jaamac Aadan, agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadda Axmed Abokor iyo guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Daa’uud Axmed Faarax.

Go’aamadii ka soo baxay shirkaasi waxaa ka mid ahaa in guddoomiyeyaasha gobolladda ee wasaaradda waxbarashadda Somaliland  ay saddex-biloodkan soo socda dib u furaan boqolkiiba konton (50%)  ka mid ah dugsiyada xidhan ama xidhmay ee gobolka uu qaabilsan yahay.

In si buuxda loo dhaqan geliyo go’aankii wasaaradda waxbarashadda ee ahaa in dhammaan macallimiinta Gunnaysan ee dugsiyada sare ay dugsiyada dawladda wax ka dhigaan saddex maalmood toddobaadkiiba.

War-murtiyeedkaasi laga soo saaray shirkii guddoomiyeyaasha wasaaradda waxbarashada Somaliland ee gobollada dalka, oo nuqul ka mida uu soo gaadhay shebekadda wararka ee Hargeisa Press,  ayaa u dhignaa sidan:

Shirka Guddoomiyeyaasha waxbarashada ee gobollada dalka JSL oo ka qabsoomay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer 16kii ilaa 17kii Oktoobar 2019, waxa gebagebadiisii la iskula qaatay go’aannada ku xusan war-murtiyeedkan oo lagu fulin doono muddo saddex bilood ah:

Shirku waxa uu go’aamiyay:

  1. In la fuliyo wixii aan saddex-biloodkii la soo dhaafay ka fulin go’aannadii lagu qaatay shirkii kan ka horreeyay ee ka qabsoomay magaalada Boorama bishii Juun 2019.
  2. In ugu dambayn 31ka Aktoober 2019 la dhamaystiro loona gudbiyo gudoomiyeyaasha waxbarashada dalka hagaha Guddida Waalidiinta Dugsiyada (CEC Manual). Waaxda dugsiyada aasaasiga ah ayaa u xilsaaran qabyatirka iyo dabagalka hawshan.
  3. In Guddoomiyeyaasha waxbarashada gobollada ay shirar u qabtaan dhammaan waalidiinta dugsiyada dawladda, isla markaana ay sameeyaan guddiyo waalid oo shaqaynaya oo ka hawlgala dhammaan dugsiyada magaalooyinka waawayn (magaalo-madaxyada gobollada).
  4. Iyada oo la raaci doono shuruudaha/hagayaasha guddida (CEC Manual), guddida dugsiyada waxaa laga doonayaa:
  5. a) In ay maamul iyo hoggaan samaystaan.
  6. b) In ay bishiiba hal mar shiraan, soona saaraan go’aanno cadcad oo qoran.
  7. c) In ay hirgaliyaan qaadhaan ururin lagu daboolo baahiyaha dugsiga ay guddida u yihiin.
  8. d) In ay samaystaan qorshaha horumarinta dugsiga, kaas oo uu guddoomiyaha waxbarashada gobolkuna ansixiyay isla markaana saxeexay.
  9. e) In ay ka fuliyaan saddex waxqabad oo muuqda qorshaha horumarinta,
  10. f) Inay kordhiyaan tirada isqorista ardayda ee dugsiga
  11. In Guddoomiyayaasha gobolladu bil kasta soo kormeeraan dugsiyada magaalooyinka iyo shan dugsi (5) oo ku yaalla deegaannada miyiga, kana soo diyaariyaan warbixin kormeer oo gaar ah.
  12. In Guddoomiyayaasha gobolladu ay saddex-biloodkan soo socda dib u furaan boqolkiiba konton (50%) ka mid ah dugsiyada xidhan/xidhmay ee gobolkiisa/keeda.
  13. In Agaasinka dugsiyada sare iyo guddoomiyayaasha waxbarashadu hirgaliyaan kedisyada/tartannada dugsiyada sare:
  14. a) Kediska Aqoonta
  15. b) Tartanka halabuurka suugaanta
  16. c) Tartanka cayaaraha kubbadda cagta.
  17. In dhammaan kormeerayaasha xarunta dhexe iyo gobollada dalka u jooga WW&S lagu sameeyo dib-u-eegis, isla markaasna ay WW&S iyo Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu imtixaan ka qaadaan cidda soo codsata shaqada kormeerka.

Dhammaan shaqaalaha WW&S ee leh khibrada ku haboon waa ay soo codsan karaan tartanka iyo imtixaanka shaqada kormeerka.

  1. Maadaama WW&S ay soo gaadheen buugtii manhajka ee ku hadhsanaa shirkadda HEMA Books (oo ahaa boqolkiiba 20%); waa in buugaagtaa muddo bil ah gudaheed ah lagu gaadhsiiyo dhammaan dugsiyadii aan hore loo gaadhsiin.

Shaqadan waxa lagala xisaabtamayaa guddoomiyayaasha Waxbarashada ee gobollada dalka iyo Agaasimayaasha waaxyaha ay khusayso.

  1. In si buuxda loo dhaqangaliyo go’aankii WW&S ee ahaa: in dhammaan macallimiinta gunnaysan ee dugsiyada sare ay dugsiyada dawladda wax ka dhigaan saddex maalmood toddobaadkiiba.
  2. In dugsiyada sare ee dawladda loo sameeyo nidaam xisaabeed hufan oo ay ku caddahay dakhliga soo galay dugsiga iyo qaabka uu u baxayo. Hawshan hirgelinteeda waxa u xilsaaran guddoomiyayaasha gobollada iyo waaxda dugsiyada sare.
  3. In si sannadle ah loo dhiirrigaliyo, lana abaalmariyo shaqaalaha iyo madaxda WW&S ee qabtay shaqo iyo waxqabad saamayn leh oo ka baxsan waajibkiisii shaqo.
  4. In la qabto kulanno, tababarro iyo wacyigalin kor loogu qaadayo awoodda akhriska iyo fahamka xisaabta ee ardayda dugsiyada hoose-dhexe, iyada oo laga duulayo natiijadii sahankii EGRA/EGMA ee heer qaran.
  5. In barnaamijka “Soo booqo Dugsigaaga” laga hirgaliyo dhammaan dugsiyada waaweyn ee magaalooyinka dalka. Shirku wuxuu si weyn loo bogaadinayo muwaaddiniinta ama ardaydii hore ee barnaamijkan ka hirgaliyay dugsiyadii ay ka baxeen, sida: Maxamuud Axmed Cali, 26ka Juun, Faarax Oomaar, & Gacanlibaax .
  6. In ay dhammaan Guddoomiyayaasha gobolladu soo gudbiyaan tirada shaqaalahooda oo u kala soocan, macallimiin iyo hawlwadeenno kale (teaching and nonteaching staff), isla markaana ku soo muujiyaan derajada mushaharka iwm.
  7. Shirku waxa uu u mahad naqayaa guddoonka waxbarashada ee gobolka Togdheer, madaxda dhaqanka, waxgaradka, maamulka gobolka Togdheer iyo kan degmada Burco iyo guud ahaan bulshada gobolka Togdheer oo uu ku bogaadinayo sidii habsamidii lahayd ee ay u martigaliyeen shirka Guddoomiyayaasha gobollada ee WW&S intii u dhexaysay 16-17/10/2019.
  8. Shirku waxa uu u mahadnaqayaa Guddoomiyaha golaha deegaanka, ahna Maayarka magaalada Burco, Md. Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan “Muraad” oo intuu shirku socday gaadhi u iibiyey kormeerka waxbarashda Gobolka.
  9. Shirka kan ku xiga ee Guddoomiyeyaasha gobollada dalka waxaa la qorsheeyey in uu ka dhaci doono magalaada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, bisha January 2020.

 

ALLAA MAHAD LEH.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY