Go’aamo Laga Soo Saaray Shir Beeleed Laba Bilood Ka Socday Hobyo

0
702

Hobyo (Hargeisa Press.com): Waxaa maanta magaalo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug lagu soo gebagabeeyay shir muddo laba bilood ah halkaas uga socday mid ka mida beelaha dega dawlad goboleedka Galmudug.

Shirkaasi ayaa lagaga hadlay nabad ku noolaanshiyaha beeshaasi iyo sidii ay nabad ugula noolaan lahayd beelaha la deriska ah, isla markaana ay cafis ka dalbato wixii kala gaadhay beelaha kale.

Gebagabadii shirkaasi ayaa lagu soo dhisay gole ka kooban 68 xubnood, kaasoo la sheegay in shaqadoodiisu tahay sidii ay u hogaamin lahaayeen nabadda beeshoodda dhexdeedda ah iyo ta beelaha kale ee deriska la ah.

Golahan waxaa guddoomiye looga dhigay ama loogu doortay Prof. C/qaadir Maxamed Shirwac, oo tartan la galay general Maxamed Nuur Galaal.

Hadaba waxa ay noqonaysa shaqadda golahaasi iyo arrimaha laga doonayo waxaa ka warbixiyay Prof. Shirwac, waxaanu yidhi “Shaqadaydu waxay tahay ku hogaaminta barnaamijka shirka laga soo saaray, xag dhaqaale, xag siyaasadeed iyo xag dhaqan iyo xag gar-soor intaba ah”.

Golahan ay samaysatay beeshan ka mida beelaha Galmudug (Habar-gidir) ayaa loo arkaa mid ku cusub nidaamka ay u dhisan yihiin beelaha Soomaaliya dega, hadaba maxaa lagu tilmaami karaa nidaamkani.

Su’aashaasi waxaa la waydiiyay Prof. Shir, waxaanu kaga jawaabay “Waxaan ku tilmaami lahaa ka guurkii laba xiliyeed, oo aan ugu magac daray, ka soo guurkii Miyiga laga yimid, ee magaaladda la yimid.

Hab-dhaqanka noocaas ah oo u baahan ku ab-tirsasho magaallo u guuritaankaasi. Aduunka oo dhan ayaa imika isku xidhmay.

Markaa qaabkaasi ku dhaqankiisa sidii la isugu xidhmi lahaa, adoo dhaqankaagii hore-na qayb ka wata, aduunka cusub dhaqamadooda-na wax ka fahmaya, qaabka ay u socdaan ayaa la rabaa in beelahaasi ay qaabka noocaas ah wax uga bartaan”ayuu yidhi Shirwac, oo maanta BBC la hadlay isagoo ku sugan magaaladda Hobyo.

Geesta kale beeshan shirku ugu soo dhamaaday magaaladda Hobyo ayaa lagu tiriyaa in muddo dheer ay colaadi dhexdeedda ka taagnayd, sidoo kale-na ay waxyaabo fara badan kala gaadheen beelaha la deriska.

Waxaana ka mid ahaa go’aamadii shirkan laga soo saaray in maadaama oo beeshu gudaheedda is cafisay beelaha kale ee la degaanka ahna ay ka dalbato in ay ka cafiyaan wixii colaad iyo dhibaato ahaa ee ay beeshani u gaysatay.

Arrintaasi waxaa faahfaahin ka bixiyay guddoomiyaha golaha beeshii shirku Hobyo ugu soo dhamaaday, “Konton maalmood ayuu shirkaasi socday, beesha wixii khilaafaad ahaa dhexdeedda ka jiray waa la dhameeyay, oo la is cafiyay.

Markaa mar haddii aanu anagu is cafinay, beelaha aan deriska la nahay wixii na kala gaadhay, in aanu iyagana cafis ka dalbano, lana shirno.

Wixii wanaag ahaa ee nalagu bartayna la qaato, wixii dhaliil ahaana aanu nidhaahdno dib u dhici mayso”ayuu yidhi Prof. Shirwac.

Dhinaca kale go’aamadii shirkan Hobyo ka soo baxay waxaa ka mid ahayd in qofkii beesha ka mid ah ee doonaya in uu xil ka qabto dawladda federaalka Soomaaliya in uu soo maro ama soo ogaysiiyo golahan la dhisay.

Sidee ayay hadaba arrintaasi u suurto gelaysaa, maadaama oo aanay hore u jirin, waxaa arrintaa sharaxaad ka bixiyay Prof. C/qaadir Shirwac,  waxaanu yidhi “Waxay sahlaysaa in dadku ay is bartaan, oo galahani uu ka tallo bixiyo qof u qalma.

Haddii ay siyaasiyiin yihiin iyo haddii ay dhaqan yahan yihiin iyo haddii ay dhaqaale yahan yihiinba, tallo urursan oo wixii mustaqbalka Soomaali wax tari lahaa ay ku tallo bixiyaan.

Nidaamkii hore ee hab-qanka ahaa, kan ayaa kaga haboon. Waana in beel waliba ay hoos isugu degto, si loo hello cida miida ah. marka meel la isugu keeno, iyaga ayaa wax tari kara bulsho weynta Soomaaliyeed”.

Isku soo wada duuboo,  golahan lagu soo doortay shirkan beesha Habar-gidir ugu soo dhamaaday magaaladda Hobyo oo isugu jira siyaasiyiin, madax dhaqameed iyo aqoon yahano ayaa la filayaa in ay ka qayb galaan shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug oo todobaadkan ka furmaya magaaladda Dhuusamareeb.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here