Geeridii Marxuuun Cabdillaahi Fadal Iimaan: Gelbiskii Aaska iyo Galiilyadii Shacbiga

0
699

Qormadani waa gole-ka-fuul duco iyo maamuus u ah Taliyihii Guud ee Ciidanka Booliska Somalialnd X Sarreeye Gaas Marxuun Cabdillaahi Fadal iimaan oo xalay ku geeriyooday Hargeysa, maantana lagu aasay xabaalaha Masallaha ee Koonfurta Caasimadda Alle godka ha u nuuro.

Markii aan xalay ama 1dii Nofemeber 2019ka aan maqlay geerida waxa aan la xidhiidhay dhawr qof. Ciyaaryahan Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) ayaa ii xaqiijiyay geerida Taliyihii Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland. Meel aan ka fogeyn International Hospital ayaan ku sugnaa.

Hoonka gawaadhida ciidanka ee dhiillada tebinaya ayaan u maqlayay si xooggan. Waxa i saaqay dareen caloolyow ah. Waajibna way ahayd’e dhambaal tacsi ah ayaan ku faafiyay baraha bulshada.

Xilliga iyo goobta aaska waxa baahiyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland. Caweysnimadii xalay, waxa aan wacay Maxamed Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) oo aan qoys ahaan uga tacsiyadeeday geerida, wuxuu ii sheegay in ay isla wakhtigii geerida ku xigay bilaabeen qoditaanka xabaasha, halkaasna ay joogaan.

Xilli ku beegan 11:30 barqannimo ayaan gaadhay xaafadda Shacabka oo uu guriga marxuunku ku yaallay, hal xafiis oo wasaaradda waxbarashada ah ayaan hawl kooban u galay, waanan ka laabtay. Intii aan taas ku jiray ayay soo dhaqaaqeen gaadiidkii gelbinayay marxuunku. Jidka waxa taagnaa ciidan kala hagaya moodharrada tirada badan ee godkiisa rasmiga ah u gelbinaya Marxuun Cabdillaahi Fadal Iimaan Taliyihii Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland.

Markii aan gaadhiga u imi, waxa aan doonay inaan baabuurta ka raaco marinka u dhexeeya Wasaaradda Beeraha iyo Emperial Hotel, laakiin jidku wuu buuxay. Gadaal ayaan u noqday, aniga oo dooxa iyo beerta Xorriyada ka dhacay. Axmed-Gurey ayaan uga gudbay Galbeedka Istaadyoonka. Waddada Half London ayaan taayirka la helay.

Markii aan buurta fuulay ee aan Isgoyska Badhka marayo ayaan la kulmay jid-xidhan iyo baabuur tax ah. Baabuurta shacabku waa ay wada istaageen, hareeraha marinka waxa taagnaa bulsho isugu jirta dhallinyaro, haween iyo da’ yar ducada ku gelbinaya.

Ciidanka nabadgelyada waddooyinka oo kala hagayay gaadiidka ayaa hannaanka socodka wanaajiyay. Waddada Siinaay ayan u leexday, aniga oo jidcadde shaagga ku hubsaday, saa waa baabuur buurta koraysa oo fara-badan, rabana inay hal marin wada maraan. Kuwo soo kala maray suqduudyo kala gaar ah ayaa bar qudha ku kulmay.

Ciidankii nabadgelyada waddooyinka ayaa haddana kala hagay. Waxa ceeryoon ahaa barxadda baabuurta ee Masaajidka, waxaanan u dhaafnay dhanka xabaasha. Meelaha aan carrabaabay waxa gaadhiga ila saarnaan kara qof toos u garanaya. Waa aan dul istaagay, waana ay dhammayd, luxudkana waa la duway.

Wax yar kaddib ayuu soo istaagay dhoolligi (ambulance), ciidan heellan ayaa hagar li’i u dejiyay. Markaa aan arkay meydka marxuunka oo naxashka saaran ku duuban maro guduudan ayaan qof ahaan sida ugu weyn u duceeyay.

Gaadiidka booliska ayaa ku xigay, waxa isla daqiiqado ku soo istaagay gawaadhi ay saarnaayeen Madaxweynaha Somaliland, Madaxweyne ku-xigeenno hore, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiyaha Guurtida iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.

Waxa ku ladhnaa imaatinka Saraakiisha ciidamada qaranka, Xisbiyada qaranka, wasiirro, duqa caasimadda iyo ku-xigeenno, xildhibbaannada baarlamaanka, golaha degaanka, suxufiyiinta, ganacsatada iyo kumannaan iyo kumannaan iyo kumannaan. Geesta aad ka laabtaba labeentii bulshada ayaa joogtay.

Dhammaan dadku waxa ay ka marag fureen in marxuunku ahaa daljire qarankiisa u adeega, qof hawlkar ah, qof soo maray heerarka kala geddisan ee ciidanka: baadhe, taliye saldhig, hoggaanka hawl-gelinta iyo Taliyaha Booliska oo uu ahaa tan iyo 2012ka.

Waxa lagu suntay qof shakhsiyad wanaagsan oo lafihiisa gobannimadu buuxday. Aadame suubban ayaa lagu asteeyay, bashar soo-dhaweyn iyo dadnimo leh ayuu ahaa. Qof sikhi ah oo wixii arrin iyo adduun looga baahdo hura ayuu ahaa inta awooddiisa ah.

Mar waayeel iyo guurti buu ahaa, waxa uu ka qayb qaadan jiray xalka dad badan oo wax kala tabanaya. Inta uu hawl halkeeda ku maareeyay ee aan warbaahinta soo gaadhin ayaa badnayd. Qof ahaan waxa aan ogaa isaga oo kormeer 04:00 habeennimo ku sameeya saldhigyada gaar ahaan kuwo aan ku xidhnaa. Raggii markaas ka maqnaa shaqadooda waxa uu ka qaadayay tallaabo sharci ah.

Waxa ay ku baaqeen in la saamaxo haddiiba wax la kala tirsado, waayo shaqada ciidanku waa mid culus. Waxa la isla gartay in dan qaran lagu kala aragti duwanaan karo, bal se aanay jirin wax gaar ah oo qof iyo qofaf u dhexeeyaa. Addoomaha oo dhan ayaa gefka u abuuran, mid xil haya iyo mid rayid ahba.

Dhammaantood waxa ay Eebbe ka baryeen in uu godka u nuuro, in uu qoyskiisa Samir iyo iimaan ka siiyo iyo in la yahay ergo Alle uga tuugaya marxuunka dembi-dhaaf. Waxa lagu soo kala dareeray markii cammuudda lagu rogay, loona duceeyay.

Dad badan ayaa saaka i weydiiyay “Ciidanki ma kaa hadheen, miyaan lagu qaban?”, waxa aan u sheegay in amarradii ugu dambeeyay ee marxuunka ay ka mid ahayd in aanay boolisku wax shuqul ah igu darsan. Marar badan oo olole loo galay in la i xidhana waxa uu ahaa gabbood iyo gaashaan adag oo la ii mariyay. Marna wax laba qof u dhexeeya oo aan isku qoonsannaa ma dhicin, wixii qaranka khuseeyana waa la isku qardoofaa.

Xaq-dhawrkiisa waxa aan ugu hayay xurmo weyn. Haddii ay maskaxda dadka ku soo dhacdo in toban beer la i xidhay intii uu ahaa Taliyaha Booliska, ma ihi nin godobtiisa illaawa. Saacad kasta iyo ciddii awgeed la ii jeebbeeyay waxan ku hayaa maskax-garaadka. Cafis buu iga yahay, cafis buu iga yahay, cafis buu iga yahay. Aniga oo la ballansanaa rag ay isu dhawyihiin oo rabnay in aanu si kalfuran u kulanno ayuu xijaabtay. Waan u niyad-samaa marxuunka.

Waddada biyaha oo lahayd geed-gaab iyo dhijaano biyo ah cagaf ayaa la sii geliyay. Taasi waxa ay sababtay in boodh iyo uuro kacdo, qaybo ka mid ahna waa la rusheeyay. X Sarreeye Gaas Marxuun Cabdillaahi Fadal Iimaan waxa lagu sagootiyay aas qaran iyo duco qaayo leh, maalin Soo-roga (Sabti) ah 2dii Nofember 2019ka ayuu luxudka kowsaday. Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo.

Haddiiba aad gef iyo goldaloolo ku aragtaan qoraalka.. waa dhankayga…

Waxa qoray: Siciid Maxamuud Gahayr (Hargaysaawi).

LEAVE A REPLY