Geedkii Godobta Laga Galay: Astaantii Qaylodhaanta Deegaanka Ayey Galaafteen

0
1257

Waxa ay dhagax ku dileen saaxiib, aan is lahaa mar uun booqasho ugu tag. Gacal ha waayaane, gunta ayey ka gooyeen, astaan qalbigayga ku dhex taallay. Ilaa maalintii aan bartay, wuxu ii ahaa bartilmaameed aanan ka daali jirin. Is maan lahayn sidan arxandarrada ah ayaa loo galaafan doonaa, oo waxan u haystay in dadka la nooli iiga damqasho badan yihiin. Illayn waxa ku jira, qaar aanu agtooda qiimo iyo qaayo toona ku lahayn. Waxan is lahaa, markii gefka loo la tegay, waa laga xaalmarin doonaa, oo kuwii meesha ugu tegay ee ku xadgudbay, tallaabo ayaa laga qaadi doonaa, bal se laba Cali ba is may waydiin!. Wax wal ba waxa igaga xanuun badan, sidii dhadhaabta laysu la dultaagay ee aad moodaysay in ay cadaw halis ah is ka caabinayeen. Ha ba dilaan’e, waxa iyana xanuun iyo gabboodfal ba ahayd, muuqaalkii jeesjeeska ahaa ee laga duubay, markii sida axmaqnimada ah loo sadqaynayey saaxiibkan nacabku helay. Markii aan muuqaalka arkay, waan u qaadan waayey! Aniga oo naxsan ayaan gujiyey, si aan u eego waxa uu ku saabsan yahay. Ha ba gujin lahaydaa! Markii uu dhagaxa is la ka la jiiday ee uu ku dhuftay, ayaan hinqaday oo aan is mooday in uu aniga igu dhacay. Aniga oo amakaagsan, oo ka yaabban falkan cadawtinimada ah, ayaan raadiyey in aan la xidhiidho asxaab aan ogaa in ay iga la dareen yihiin dhacdadan, si aan u la qaybsado muragada iyo uurkutaallada.

Saaxiibkan aanu weynay, waxa uu ahaa astaantii buurta Daalo. Wuxuu ahaa geed sida uu u baxay, halka uu ka baxay iyo nooca uu yahay ba ay cibro ku duugan tahay. Magaciisa waxa la yidhaahdaa “Mooli”, oo wuxu ka mid yahay dhirta sii dabargo’aysa ee ku yaalla Somaliland Soomaaliland. Waa geed faa’ido u lahaan jiray dadkii hore, oo waxa uu leeyahay xabag la manafacaadsado; waxa kale oo laga samaysan jiray agab guryaha la dhigto. Hadda ku dheeraan maayo sida loo adeegsan jiray, ee waxay abbaartaydu tahay sidii uu geedku caanka u noqday, is la markaa na uu saamaynta u yeeshay.

Geedkan, waxaan bartay xilli aan filayo in ay ahayd 2010, markaa oo uu soo baxay buug la yidhaahdo “Qaylodhaan Deegaan” oo uu qoray aqoonyahan Axmed Ibraahin Cawaale; ah na deegaanjire aqoon durugsan u leh deegaanka. Sawir uu ii sheegay in uu geedkan la gooyey ka soo qaaday 2009, ayuu buugga jeldigiisa kore ku dhejiyey. Maalintii aan arkay ba, waxa iga yaabisay sida uu geedkaasi u baxay iyo halka uu ka baxay. Amarka Ilaahay, iniintii uu geedkaasi ka baxay, waxay ka soo mudhay dhadhaab isa saaran iyo gidaar dhagxaan ah; hadda na la moodo derbi la dhisay. Sida muuqatay, markii uu geedku soo baxay ee uu miisaan yeeshay, ayaa jirridiisu may adkayn’e way liicday, oo wuu go’i lahaaye waxa sii deyn waayey xididdada. Waa na sababta uu geedku dhiicada u lahaa. Halkaas ayuu wax kasta oo dhib u geysan lahaa kaga badbaaday, Ilaahay amarkii. Derbiga uu ka laalaaday ilaa dhulka la gaadhayo, qiyaas ahaan dhawr boqol oo mitir ayaa ka hoosaysa. Xagga sare na, waxa uu u jiraa ilaa saddex mitir. Markii ay dad badani arkeen sawirka laga soo qaaday, ayuu caan noqday, oo wuxuu ku biiray astaamaha buurta Daalo iyo gobolka Sanaag ba. Waxa uu ka mid ahaan jiray waxyaabaha la soo daawado, marka dalxiiska loo tago Daalo. Anigu mar na nasiib u maan helin in aan booqdo, in kasta oo aan tegay meelo ka mid ah gobolka Sanaag oo Ceerigaabo ku jirto, hadda na waxan ka fikirayey in aan mar uun indhaha soo saaro, oo aan waqti la soo qaato.

Axmed Ibraahin, waxa uu ii sheegay in wixii geedku ka qaylinayey (baabiinta deegaanka iyo dabargoynta dhirta) in isaga lagu fuliyey. Jarkii uu duurjoogta iyo xoolaha ba kaga nabadgalay, ayay dadku ugu tegeen, oo halkii laga xaalmarin lahaa xasaraddii loo la tegay, ayaa isagii xawda la dhaafiyey. In uu soo bixi doono mooyi; haddii se uu dib u soo baxo, oo halkii ay jirridiisu ka go’day uu ka soo bidhiiqo/biqlo ama geed cusubi ka soo baxo, in uu sidiisii noqon Ilaahay ayaa og, laakiin sannaddo badan ayey ku qaadanaysaa in uu taabogaloadkaado. Waxaa se intaa ba ka horraysa, in uu marka hore xabagtiisa is ku dhaawactiro, si ay jirridu uga soo kabato jugtii gaadhay.

Bishii Julaay ee sannadkan (2020) ayey ahayd, markii ay Mooligan dhallinyaro kibir u la tegeen, iyagoo inta ay naftooda halis geliyeen, geedkaa haadaanta ka laalaada is ku soo dul sawireen. Markii uu sawirkaasi soo shaacbaxay, ayaa siyaabo ka la duwan looga falceliyey. Waxa dadka taabatay dhallinyaradaa naftooda khatarta ku biimaysay, is la markaa na sawirkaa geedka lagu soo galay uu dhib horseedi doono. Dad ka la duwan, ayaa geedka u arkay in uu halis yahay, nafo na uu galaafan doono, haddii aan tallaabo laga qaadin. Kuwo kale, waxa iyaga na u muuqatay in geedka iyo dadka la ka la badbaadiyo, oo laga gaashaanto waxyeello kasta oo iman karta. Dadka dadaalka danbe waday waxa ku jira, Axmed Ibraahin Cawaale, oo markii uu sawirka arkay ba olole ayuu galay, isaga oo ii sheegay in uu diyaar lahaa wixii qarash ku baxaya in deyr lagu xidho, halka geedka laga gelayo, si aanay cid danbe ugu dhawaan ama aanay u fuulin. Hidisahan na waxa uu la socodsiiyey wasiirka wasaaradda Deegaanka ee Somaliland, Shukri Xaaji Baandare. Tallaabadaa fiican ee uu ku dhaqaaqi lahaa Axmed, waxa ka soo hormaray, go’aan ay gaadheen dhankii kale ee geedka cadawga u arkayey. Waxay guddoonsadeen in geedka dhagax lagu dilo. Waxa go’aankaa khaarijinta ah fuliyey askar ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland.Waxay is tuseen in ay dhallinyarada halista ka badbaadiyaan, se geed qaaliya oo mudnaa in ay dhawraan oo ay badbaadiyaan, ayey haadaan ka tuureen. Way ka qabyaaladeeyeen saaxiibkay, oo caqli ku may darin waxii ay garaadkooda ku la faqeen!

Marka la soo ururiyo, waxa geedkan muhiimka ah loo galaaftay, nafta dadka ayuu halis ku yahay. Waxa meesha ka muuqata in aan si cilmiyeysan iyo sida caqliga saxda ahi sheego, aan hawsha loo fulin. Laakiin loo fuliyey si degdeg oo ay caaddifadi ku jirto. Waa run oo dadka ayaa ka muhiimsan geedka, bal se halkaa lagu joogsan maayo, ee waxay ahayd in si deggen oo aqoon, masuuliyad iyo tudhaale ku dhisan in xalka loo raadiyo. Fursad ba la ma siin in ay xaaladda ka arrinsadaan, guurtida dadka iyo ta dhirtu ba. Haddii ay labadaa dhinac is hor fadhiisan lahaayeen, waxay soo saari lahaayeen go’aan lagu wada farxo. May se dhicin, oo iyadoon wax gar ah la dhegeysan, la baadhin gefka dhacay, ayaa koox isxilqaantay, waxay guddoonsadeen in geedka la gooyo. Halka innamadii yar yaraa ee geedka denbiga ka galay, aanay cidiba la xisaabtamin. Iyada oo ay ahayd in sharciga la la tiigsado. Waxan se filayaa, markii ay arkeen sida looga naxay ee looga falceliyey, falkii foosha xumaa ee ay ku kaceen, ee sababta u noqday in Mooligaa astaanta ahi meesha ka baxo, in ay ka qoomamayn doonaan, is la markaa na ay raalligelin bixin doonaan-waa haddii in uun damiir iyo dareen ku hadhay’e. Askartii geedka goysay, waxa looga fadhiyaa in ay magtii geedka bixiyaan; ama taliskooda ha la kaashadaan ama iyagu ba ha is ku tashadaan. In kasta oo aan la garanayn magta geedku inta ay noqonayso, hadda na waa in ay bixiyaan, oo ka la tashadaan guurtida dhirta (wasaaradda Deegaanka iyo deegaanjireyaasha madaxabannaan). Waa na in ay magtaa ku wareejiyaan wasaaradda Deegaanka. Sida oo kale, waa in ay beeraan geed cusub oo Mooli ah (Haddii ay suurtagal tahay, haddii kale se, waa in ay tiro dhir ah ay magdhaw uga dhigaan), ku na beeraan meel u dhaw halkii ay geedka ka gooyeen.

Ugu danbayn, hore ayeynu deegaankeenna u waxyeelaynaye, caqligu ha shaqeeyo, aqoonta iyo lexojeclada deegaanka kor ha loo qaado. Sida aynu ugu heellan nahay teenna gaarka ah, aynu ta guud na muhiimad gaar ah siinno; sida aynu xoolaheena iyo hantideena ba ugu damqano, aynu deegaanka iyo duurjoogtaba ugu damqano. Ciddii dhib iyo hagardaamo ku haysa na, meel ha looga soo wada jeedo. Masuuliyadda iyo sharciga na ha la dhawro, oo yaan jaantaarogan iyo kaalinqaadasho la’aan wax loo qaban. Waxa mudan in la helo sharci gaar ah oo xakameeya Aadamaha si aan gefaf kan oo kale ah ugu kicin, dhir ay yar tahay sida lagu hela u galaafan.

Qalinkii: Cabdishakuur Muxumed Muuse “Heersare”

Cabdiheersare01@hotmail.com

LEAVE A REPLY