GDUS Somaliland Oo Doortay Guddoomiye Ku-Xigeen iyo Afhayeen iyo Xoghayn

0
426

Hargaysa (HP): Gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka ayaa shalay doortay Guddoomiye Guddoomiye ku Xigeen iyo Afhayeen iyo Xoghaye.
Kulan ay shalay yeesheen xubnaha gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka ayaa waxaa ay ku doorteen hoggaanka gudida ee ururkaas.


Afhayeenka Gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka.
Mukhtaar Cabdi Jaamac oo Warbaahinta Qaranka la hadlay waxa uu sheegay in fadhi ay isugu yimaadeen xubnaha Gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka ay ku doorteen Guddoomiye Guddoomiye ku Xigeen iyo Afhayeen iyo Xoghayn.


Mukhtaar Cabdi Jaamac oo ka hadlayay doorashada hoggaanka gudida Diwaangalinta ururada Siyaasada waxa uu yidhi”Maanta (shalay) Xubnaha Gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka waxa ay ansixiyeen,doorashada Guddoomiyaha Guddoomiye ku Xigeenka iyo Afhayeenka.
Waxaana u doorteen guddoomiyaha gudida diwaangalinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka, Siciid Maxamed Cilmi Siraadle.
Halka sidoo kale ay guddoomiye ku xigeen u doorteen Maxamuud Ismaaciil Xasan Badde, waxaana Xoghayaha gudida ay u doorteen Aadan Geedi Qayaad Afhayeenka gudida waxa ay u doorteen Mukhtaar Cabdi Jaamac waxaana saxeexay Doorashadan xubnaha gudida”.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here