Garsoore Xuseen Fadal oo Ku Eedeeyay Garyaqaan Jamaal Mandela In Uu Caadaystay Cadaawada iyo Fadeexadaynta Dugsiga Nuuradiin

0
1553

Hargeisa (Hargeisa Press)- Garsoore Xuseen Fadal oo ah garyanaan u dooda Dugsiyada Nuuradiin ayaa waxaa uu jawaab kulul ka bixiyay eedo iyo warar been abuur ah oo uu garyaqaan Jamaal Mandela ka faafiyay maamulaha guud ee Dugsiyada Nuuradiin.

Waxaa uu Garsoore Xuseen Fadal waxba kama jiraan ku tilmaamay warka uu sheegay garyaqaanku, isagoona sheegay in Jamaal Mandela uu caadaystay fadeexadaynta iyo cadaawad uu u qabo dugsiyada Nuuradiin.

Garsoore Fadal ayaa sheegay in garyaqaan Mandela daba socdo arin lagaga guulaystay oo dhexmartay dugsiga Nuuradiin, islamarkaana bilaabay in uu fadeexad iyo aflagaado kula kaco maamulka dugsigaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here