Garroomo Casriya Oo Laga Hirgeliyay Gabiley Oo Xadhiga Laga Jaray

0
361

Gabiley (HP): Badhasaabka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, oo uu wehelinayay wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha ayaa maanta xadhiga ka jaray Garroomo Kubadeed oo laga hirgeliyay Gabiley iyo Arabsiyo.

Shantaasi Garroon oo midkood ku yaallo degmada Arabsiyo, oo ah midka u weyn ayaa noqonaya garoon Kubadda Cagta ah, iyo mid basketball ah ee degmada Gabiley.
Halka saddex garroon ee kalena ay yihiin kuwa yar yar oo loogu tala-galay Iskuuladda, isla markaana ah kuwa Kubadda Cagta ah.

Waxaana garroomadaasi maanta xadhigga ka jaray oo ka qayb-galay wasiirka dhalinyarada iyo Cayaaraha Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qanbi, badhasaabka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, maayarka Gabiley, isuduwaha wasaaradda ciyaaraha Gabiley, maamulka Arabsiyo, iyo masuuliyiin kale.
Garoomadan oo si casriya loo dhisay ayaa la rejaynnayaa inay kaalin weyn ka qataan jimicsiga iyo mooraalka dhalinyaradda xilliyada fasaxyada dugsiyadda.

Sida uu sheegay badhasaabka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, garroomadaasi oo lagu qaban doono tartamo kor loogu qaaday nabadda iyo is dhex-galka bar-baarteenna la halgamaya waxbarashada.
C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa bogaadiyay maayarka degmada Gabiley iyo xubnaha golaha deegaanka oo hirgellinta garoomadan xil weyn iska saaray kuna guulaystay.

DAAWO: Hadal jeedintii badhasaabka Gabiley 5ta Garoon ee Arabsiyo iyo Gabiley


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY