Garoowe: 4 qof oo ku dhintay iska horimaad ka dhacay xarunta Baarlamaanka Puntland

0
562
Garoowe, (HargeisaPress)- Ugu yaraan 4 ruux ayaa geeriyooday tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen iska hor imaad caawa ka dhacay xarunta Baarlamaanka Puntland ee ku taalla bartamaha magaalada Garoowe.

Iska hor imaadka ayaa u dhaxeeyay ciidammo ilaalo u ahaa xarunta Baarlamaanka iyo ciidammo maamulka uu geeyay xarunta.

“Ciidan dheeraad ah ayaa maanta la dhigay xarunta Baarlamaanka , dowladda iyadoo taas diiddan ayay ciidamo u dirtay, halkaana iska hor imaad ayaa ka dhacay ay dad ku dhinteen,” ayuu yidhi sarkaal hore oo la hadlay Saxaafada.
Dadka dhintay waxaa ku jira ganacsade deegaanka caan ka ahaa, Cabdixakiim Maxamed Faarax (Dhagaweyne)  oo xarun ganacsi ku lahaa goob ku dhow xarunta Baarlamaanka, balse waxaa lagu guuleystay isku-dayo lagu joojiyay xabbada, ciidammada ayaana wali isku hor fadhiya xarunta Baarlamaanka.
Dadaallo ay wadaan odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ayaa ka socda Garoowe, waxaana xiisadan ay ku soo aaddaysa xilli lagu soo warramayo inuu khilaaf u dhaxeeyo xukuumadda iyo guddoomiyaha Baarlamaanka.
Waxaa kalo ay xiisadda ku soo aadday xilli uu maanta saddex maalin uu fasaxay xildhibaannada Puntland, guddoomiyaha Baarlamaanka, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed).
Ilaa hadda ma jirto warbixin ka soo baxday madaxtooyadda iyo hay’adaha kale oo xiisaddan looga Hadlay.
Hol

LEAVE A REPLY