Garbo Diiri Nin Daguugan Ma’weydo!

0
967

Waxaan jeclaaday in hawraar ay gocatay laabtaydu ku hogol tusaaleeyo  qoraalku  in uu yahay tixraac lagu keydiyo hadallada ay kuwada xidhiidhaan aadamuhu, laakiinse, way adag tahay in aad ogaato jihada saxda ah ee aad ka bilaabayso  qoraalka.

Inkastoo ay jiraan afar hab oo loo isticmaalo qoraalka oo mid waliba leeyahay ujeeddooyin u gaar ah oo diirada saaraya jihooyin kala gadisan, sida, mid inoo sheega war, wargalin iyo warbixino oo qeexaya qof, goob, walax ama aarraa hab farshaxannimo leh loogu muujiyo sawir muuqaaleed soo jiidanaya dareenka maanka  akhristayaasha.

Faallo-qoraalleed wax laga barto oo lagu gorfeeya dhacdooyinka, fikradaha, baadhitaanada, sheekooyinka dhaliya doodaha iyo murannada u baahda in lagu kala saaro hogol-tusaaleyn muujinaysa sawir fikradeed kooban, hab-qoraaleedkan ujeeddadiisa ugu weyni waa mid wax sharaxaya.

Qoraalkan wax ka dhaadhicinta ee loo isticmaalo wax dhigista iyo fikiradaha la wadaago, waxaanu inoo sheegaa dhacdooyin, sooyaal taariikheed, gabayo, heeso, sheekooyin leh bar billow, bar-dhexaad iyo bar-dhamaad, qoraalkaas waxa uu yeelan karaa gorfeyn iyo qeexitaano, haddana,  qoraalkan aasaaskiisu waa mid inoo sheegaya sheekooyin.

Waxa kale oo qoraalku u baahan yahay qorsheyn, fikir, curin, qorrid, tifatirrid, dib u eegis ku sameysid dhamaan ujeeddada, tusmada iyo qaabdhismeedka,  kamana tagana adigoo  doonaya inaad u sameysid soor aad  ugu tallo-gallayso marti.

Waxaad u baahan tahay ka hor inta aanad karin soortaas qorshihii aad u qaban lahayd, waa in aad isweydiisaa, waa kuwama dadka u imanaya qado-sharaftan? maxay jecel yihiin in ay cunnaan? cuntada ay rabaan ma hillib digaag oo aad u kululbaa, ma kaluun la cajiimaybaa, mise waa caananis lagu kariyey baasto cad , mise waa canbe laf  la miiray oo lagu kariyey bariis suugo leh, si dhadhanka macaanku ugu dhegdheggo ilkahooda.

Isla markaana, kaftanka iyo haasaawaha ka horeeya cuntada in loo diyaariyo qaxwe iyo bun ay cabaan,  markaana la go’aansado dalabkii weelka cuntadaas in ay diyaar ahaadaan wakhtigaas, sidaas buu qoraalkuna ugu baahan yahay in aad isweydiiso, kumaad u qoraysaa qoraalkan? waa in aad ogtahay dadka fariinta  gaadhayo da’dooda, diintooda, dhalashadooda, aqoontooda, jinsigooda, aaminaadooda, rumeysashadooda iyo qiyamkooda.

Marka aynu ka nimaadno hab-qoraaleedka, waxa jira qorayaal leh, xirfaddo, cod, laxan, hab iyo hannaan u gaar ah oo ay ku gudbiyaan hawraarta xiisaha badan ee ka soo maaxata maankooda iyo maskaxahooda, kuwaasoo, fikirkooda ku cabira sawir muuqaaleed xanbaarsan xogo kala duwan, sida, qorayaasha ku takhakhusay curinta sheekooyinka  gaagaaban iyo sheekooyinka dhaaheer ee male’awaalka ah.

Qorayaasha qora hawraarta, qormooyinka, buuggaagta iyo sheekooyin loo eekaysiiyey sarbeebo maldahan oo ku saleysan xaqiiqooyin jira, Qorayaasha qora dhacdooyinka dhabta ah, Qorayaasha aqoonta sare leh (academic writers) iyo kuwa xirfadda sare leh (Technical writers), ee  awoodda u leh in ay hellaan xoggo dhab ah oo ay  baahiyaan, iyagoo sameynaya hubin iyo baadhitaano badan, qorayaasha qormooyinka ku baahiya wargeysyada wararka todobaadkii, wariyayaasha qora wararka lagu daabaco wargeysyada.

Waxay ka taxadiraan in ay baahiyaan tibaaxaha, kuwa qoraalada kooban ku baahiya magaasiinada daawooyinka, raashinka, ganacsiga iyo farsamooyinka  iyo kuwa ku qora qoraalada gaagaaban  baraha kulanka akhriska ee  xuubka caarada.

Faallo qoraaleedka waxa lagu qiimeeyaa dareen faham oo ina siiya go’aan aynu ku kala saarno hab qoraaleedyada ay soo gudbiyaan qorayaashu, tusaale, ahaan tuducdan carab-jalaqsiga ah haddaynu saa qaadano ee odhanaysa “Shimbirbaa subag sumal oo kulul oo kadan oo kadin hoostii yaala la sii kudhubaa kudhabaa tidhi”.

Markiiba fahamka dareenkeenu waxa uu ina  siinayaa in subaga laga lulo caanaha laga maalo dhadiga xoolaha lo’da iyo adhiga oo kaliya, laakiinse, waa in aynu fahamnaa in subag laga saaro badhida sumalka.

Marka qoraalku ka kooban yahay gabayo, heeso ama sheekooyin, isla markiiba, waxa maskaxdeena ku soo duxa in qoraaga ujeeddadiisu  tahay in uu madadaaliyo akhristayaasha, laakiinse, haddii uu gudbinaayo xoggo iyo xaqiiqooyin dhab ah.

Haddana, waxa maskaxdeena mar-labaad u sawirmaaya in qoraaga ujeeddadiisu in ay tahay mid xog siinaysa  akhristayaashiisa, haddiise, qoraaku aanu intaasi ka koobneyn, waxa muhiim ah in aad isweydiiso qoraalkan ma’yahay mid akhrisayaasha ku kalifaaya in ay qaadaan talaabo qaldan, ama abuuraya muran iyo dhawaaaq cabasho leh.

Haddii aanu sidaas kuula muuqan, waa inaad dib u baadhaa ujeeddada qoraalkaas, waxaana haboon in aad qiimeyso taariikh nolloleedka qorayaasha, wax-barashadooda, shaqadooda, xirfaddooda iyo waayo-aragnimadooda, taasoo, saameyn taban ama togan ku yeelata hab-qoraaleedka qorayaasha.

Sidoo kale’na,  codka qorayaashu waxa uu inoo muujiyaa in aynu fahamno ujeeddada qorayaasha, laxankooda,  aragtidooda iyo fikirka ay rumeysan yihiin,  sida,  cuqdad, gurac, jahwareer, naxariis, xamaasad, xanaaq, naxli, niyad wanaagsan, aflagaado, duco, dulqaad, qallafsan iyo farxad.

Qoraaga wanaagsan waa ka  fahma waxa ay xiiseynayaan akhristayaashiisu, riyooyinkooda, cabsidooda iyo xoggaha qarsoon ee ay ku farxayaan, waxaanu dhiirigaliyaa wanaaga.

Qoraa: Maxamed Faarax Qoti

mfqoti@gmail.com

LEAVE A REPLY