Garaad Jaamac Garaad Cali oo Ka Soo Horjeestay Gooni-isutaaga Somaliland

0
2590

Laascaanood (Hargeisa Press) – Garaadka guud ee Beesha Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali, oo maanta lagu soo dhoweeyay magaalada Laascaanood ee xarrunta Gobolka Sool, ayaa ka soo horjeestay Gooni-isutaaga Madaxbanaanida Somaliland.

Garaadka Jaamac oo soo dhawayntiisa kadib khudbad ka jeediyay fagaaraha bartamaha ee magaalada Laascaanood, ayaa waxaa uu Dowladda Somaliland ku eedeeyay inay ka dambayso dhibaatooyinkii ka dhacay magaalada Laascaanood.

Garaadku waxaa uu sheegay inaan magaalada Laascaanood mar dambe laga maamuli doonin Hargeysa, waa sida uu hadalka u dhigee.

Wuxuu ku dooday Garaadku in reer Laascaanood ay yihiin dad waligood u soo halgami jiray midnimada Soomaaliya, haddana ay raalli ka ahaandoonin in Soomaaliya la kala gooyo.

Garaadka guud ee Beesha Dhulbahante, ayaa wuxuu sheegay in aanay Somaliland la galidoonin wax wadahadal ah illaa ay ka baxaan deegaannada SSC.

Hadalka, Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa waxaa cadho xoogan ka muujiyay shacabka kala duwan ee ku dhaqan gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, iyagoona sheegay in hadalka Garaadku aanu wax ka bedeli doonin xaaladda deegaannadaas.

https://youtu.be/XKmuc_XLBHg

LEAVE A REPLY