Gantaallo Laga Soo Riday Suuriya oo Israel Ku Soo Dhacay

0
975

Tell-Aviv (Hargeisa Press) – Ciidammada Difaaca Israel (IDF), ayaa hadda soo sheegaya in seddex gantaal laga soo tuuray dhanka Suuriya kuwaas oo ku aadanaa Israel.

Qoraal ay soo dhigeen barta Twitter-ka, ayay IDF ku sheegtay in mid ka mid ah gantaalada uu ku dhacay Suuriya, iyadoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Warbaahinta Israel, ayaa ku warantay in labada gantaal ee kale ay ku dheceen dhul banaan, iyadoo aan la diiwaan galin wax dhaawac ah.

Ilaa iyo hada ma cadda cida ka dambeysay weerarkan gantaallada.

Dagaalka u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo ciidammada amniga Israel, ayaa hadda ku fiday Daanta Galbeed, iyadoo la sheegay in 10 Falastiiniyiin ah ay dhinteen.

Dagaalka Qaza, ayaa galay maalintii shanaad oo xidhiidh ah. Israa’iil waxay sheegtay in Ciidamadeeda Cirka iyo kuwa dhulka ay qayb ka ahaayeen weeraradii dhacay, balse ciidammadooda ayna gudaha u gelin Qaza.

Qaar ka mid ah is-weydaarsigii ugu cuslaa ee ay is weydaarsadaan mintidiinta Qaza iyo Israa’iil, ayaa la soo sheegay.

Wadahadalo xoogan oo dhex dhexaadiyayaal caalami ah ay wadaan ayaa lagu soo warramayaa in ay socdaan.

Ugu yaraan 122 qof, ayaa lagu dilay Qaza halka sideedna lagu dilay Israa’iil tan iyo markii uu dagaalku billowday Isniintii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here