Somaliland: Qaadkii Itoobiya Laga Keenayay Oo La Joojiyay

0
400

Hargaysa (HP):  Ganacsatada Qaadka ee Somaliland ayaa go’aan ku gaadhay in ay si buuxda u joojiyaan Qaadkii ay Itoobiya ka soo iibsan jireen, kadib markii ay Oromadu qaaliyaysay.
Afhayeen u hadlay ganacsatada waa wayn ee Qaadka Itoobiya ka keena oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargaysa, ayaa sheegay laga bilaabo 6-da bisha July, ay gabi ahaanba ka wareegayaan qaadka Itoobiya, una wareegi doonaan Yemen iyo Kenya.
Waxa uu sheegay in go’aanka ay la og tahay xukuumada Somaliland, isla markaana ay doonayaan in Qaadka ay ka soo iibsadaan Yemen iyo Kenya.
Waxa kale oo ay sheegeen in Itoobiya ay ka dalbatay in ay Qaadka ku iibsadaan lacagta dollarka, taasi oo ay sheegeen in hadii ay dhacdo ay dhaqaale burbur ku keeenayso dhaqaalaha Somaliland, isla markaana uu dollarku qaaliyoobayo, iyo in Oromadu ay go’aansatay in ay iyagu qaadka keenaan Somaliland oo gacansatada waddaniga suuqa ka saaran.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here