Ganacsatada Dalka Oo Joojisay Inay Dekedda Berbera Kala Soo Baxaan Badeecadaha U Soo Degay Iyo Madaxweynaha Oo Ay Maanta La Kulmayaan

0
891

Hargeysa,(HargeisaPress)—Ganacsatada Somaliland ayaa joojisay inay cashuurtaan alaabooyinka kala duwan ee uga soo degay dekedda Berbera, ka dib markii ay shirkadda DP world ee maamusha dekedda Berbera dhaqan gelisay wax ka bedel ay ku samaysay sarrifka lacagta.

DP world ayaa 12 March waxay bilowday inay sarrifka halka dollar noqdo 8500 oo lacagta Somaliland, isagoo markii hore halka dollar ahaa 7000 oo lacagta Somaliland.

Ganacstada ayaa wixii ka bilaabmay 12 March waxay joojiyeen inay la soo baxaan oo ay cashuurtaan alaabta u taala dekedda Berbera, waxaana shirar ay ganacsatadu yeesheen ku go’aamiyeen inay joojiyaan la soo bixista badeecadahooda, waxaana guuldaraystay wada hadalo dhex maray ganacsatada iyo wasiiro xukuumadda ka tirsan.

Qaar ka mid ah guddiga ganacstada ee dalka, ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in ganacsatada iyo madaxda rugta ganacsigu ay maanta Madaxweyne Biixi la yeelan doonaan kulan ay ugu gudbin doonaan cabasho ay ka qabaan isbedelka ay DP world ku samaysay sarrifka lacagaha oo ay aaminsanyihiin inuu ku yahay culays aanay qaadi Karin.

Go’aankan ganacsatada ayaa waxa kale oo uu saamayn ku yeeshay dakhiliga wasaaradda maaliyadda, iyadoo aanay wax lacag ahi u xaroonin kastamka Berbera.

Waxa la wada sugayaa kulanka maanta dhex mari doona ganacstada iyo Madaxweyne Biixi, iyadoo ay dekedda Berbera la ciirciirayso badeecadaha ganacsatadu la soo degtay ee ay diideen inay la baxaan.

Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here