Ganacsade Xaaji Aadan Axmed Diiriye Oo Qado Sharaf Ku Maamuusay Golaha Abwaanada Somaliland

0
910

Hargeysa,(HargeisaPress) —Ganacsade Xaaji Aadan Axmed Diiriye oo ku magac dheer (Aadan Baradho) ayaa hadhimo sharafeed ku maamuusay Golaha Abwaanada Somaliland oo ah gole ay ku midoobeen dhamaan Abwaanada Waa-weyn ee reer Somaliland .

Madasha ayaa waxa ugu horeyn hadalo kooban kasoo-jeediyey Xaaji Aadan Axmed Diiriye, isagoo isla markaasina Golaha uga mahadnaqay sida qiimaha leh ee ay munaasibadan ugu soo ajiibeen, Sidoo Kale Xaaji Aadan Axmed Diiriye waxa uu Golaha Abwaanada uga mahadnaqay kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaataan wacyigalinta iyo isku soo dhawaynta bulshada , isagoo isla markaasina  ku dhiirigaliyey inay halkaas kasii wadaan dadaalada qiimaha leh iyo kaalintaas muhiimka ah ee ay qaranka ugu jiraan.

Dhinaca kale Xaaji Aadan Axmed Diiriye ayaa Golaha Abwaanada waxa uu ku booriyey inay sii laban-laabaan wacyi-galinta Bulshada ee Qabyaalada oo uu tilmaamay in Qaran-nimadii iyo wada-jirkii bulshada Somaliland wakhti xaadirkan aya halis ugu jirto in waxyeelo aad u weyni kasoo gaadho Qabyaalada.

Dhinaca kale waxa iyagu kalmado mahad-naqa kasoo jeediyey xubno kamida Golaha Abwaanada Somaliland oo ay kamid ahaayeen, Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi Xaaji Xasan ( Xasan Ganey), Abwaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg), Saxafi Maxamed Xasan Cali Waji, iyagoo dhamaantood si wada jira uga mahad-celiyey hadhimo-sharafeedkan uu xaajigu ku maamuusay Golaha , iyagoo isla markaasina ka marag kacay doorkii muhiimka ahaa ee Xaaji Aadan Axmed Diiriye kasoo qaatay Halgankii hubays-naa, Nabadayntii iyo dib-u-dhiskii dalka iyo sidoo kale ad-kaynta qaranimada iyo wada-jirka Ummadda Somaliland.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRRO

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here