Hargaysa (HP): Maxamed Ibraahim Qabo, siyaasi hore haata na u digo rogtay arrimaha ganacsiga Maxamed Ibraahim Qabo, ayaa maanta caawimo gaadhsiiyay maxaabiis ku xidhan xabsiga dhexe ee Hargaysa.
Maxaabiistan uu ganacsade Qabo, caawimadda gaadhsiiyay ayaa lagu soo qabtay dagaaladda ka socda gobolka Sool. Kuwaasoo ku xidhan xabsiga dhexe ee magaaladda Hargaysa.
Caawimadan uu ganacsaduhu gaadhsiiyay maxaabiista ayaa isugu jirtay Lacag, iyo Dhar, uu ugu tallo galay in ay ku ciidaan, maadaama ay maxaabiis yihiin.
Ganacsade Maxamed Ibraahim Qabo, oo gacantiisa ugu qaybiyay ayaa ku sheegay deeqdan uu maxaabiista gaadhsiiyay mid uu ugu tallo galay in ay ku Ciidaan.
Qaybinta caawimadan uu ganacsaduhu maxaabiista gaadhsiiyay waxaa goob joog ka ahaa taliyaha xabsiga dhexe ee Hargaysa, iyo sidoo kale raakiisha ciidanka asluubta.
Maxamed Ibraahim Qabo, oo gudaha u gallay xabsiga dhexe ee Hargaysa, isla markaana indhihiisa ku soo arkay xaaladda maxaabiista uu caawimadda gaadhsiiyay ayaa sheegay in ay xaaladoodu aad u fiican tahay.
Waxaanu tilmaamay ganacsaduhu caawimadan uu gaadhsiiyay uu uga dan leeyahay si ay maxaabiista Sool laga soo xidhay u dareemaan in ay ehelkoodii, iyo dadkoodii la joogaan.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.