Ganacsade Maxamed Yuusuf Oo Deeq Raashin Ah Gaadhsiiyey Dadka Abaartu Saamaysay Ee Degaanka Buuhoodle + SAWIRRO

0
1077
Ganacsade Maxamed Yuusuf Cali Guray Oo Deeq Raashin Ah Gaadhsiiyey Degaanka Buuhoodle

Buuhoodle, (HargeisaPress) —Waxaa shalay si habsami leh ugga bilaabmay degaanka Gocondhaale ee degmada Buuhoodle oo ka tirsan gobolka Cayn. Deeq raashin ah  loo Ganacsade Maxamed Yuusuf Cali Guray ufidiyay dadkii ay haleeshay Abaartu.

Munaasabadii qaybinta deeqdaas waxaa ka soo qayb galay Maamulka, xildhibaano Duqayda iyo Culimaa udiinka degmadaas iyagoo dhamaantood ay ugga mahadneqeen uguna duceeyeen Ganacsade Mohamed Yuusuf Ali Guray. waxaa munaasabadii qaybinta raashinkaas ka hadlay uggu horayn  gudoomiyaha gudida qaybinta taakulaynta uu u soo wakiishay Mohamed Yuusuf Cali Guray Mudane Ahmed Abdulqadir  oo sheegay in ay deeqdani qayb ka tahay  deeq loogu talagalay dadka dhibaatadu ka soo gaadhay Abaarta sidoo kalena ay  gaadhsiin doonaan dhulka kale ee dhibtani sida xoogga ah u saamaysay inshaa’allaah.

Waxaa isagguna halkaa ka hadlay  Maxamuud Maxamed Coljoog oo kamida odayada  dhaqanka ee Gobolka Cayn oo sheegay in ay Mahadnaq iyo bogaadin u soo jeedinayaan Ganacsade Mohamed Yuusuf Cali Guray. Waxaa sidoo kale iyagguna ka hadlay Yoole Xaji Ducale, Maxamud Bacaluul,

Ali Bashir xaji abdi oo hadalo mahadnaq iyo duco isugu jira ka soo jeediyay halkaas.Waxaa iyagguna ka hadlay xubno ka tirsan dadkii maanta loo qaybiyay deeqda oo hadalo mahdnaq iyo duco isuggu jira halkaas ka jeediyay.

Deeqdan raashinka ah oo ka koobnayd Bariis, Daqiiq, Sonkor, saliid iyo Timir ayaa loogu tala galay  in la gaadhsiiyo qoysas tiradoodu gaadhayso 400  oo ka mid ah dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Qaybinta deeqdan loogu tala galay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee deegaanka Buuhoodle ayaa ka soo qayb galay maamulka, xildhibanada, duqayda, culimo awdiinka iyo wax garadka degmadaasi, kuwaas oo soo dhaweeyey deeqdan uu soo gaadhsiiyey ganacsade Maxamed Yuusuf Cali Guray.

HargeisaPress News Desk — Hargeisa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here