Ganacsade Maxamed Yusuf Cali Guray Oo Raashin Ugu Deeqay Dadka Abaaruhu Saameeyeen Ee Gobolka Hawd iyo Degmada Sallaxley + SAWIRRO

0
1506

Hargeysa, (HargeisaPress) — Ganacsade Maxamed Yusuf Cali Guray oo ka mid ah ganacsatada waaweyn ee reer Somaliland ayaa  ugu deeqay raashin Gobolka Hawd iyo Degmada Sallaxley raashin mucaawimo taas oo loogu tala galay dadkii dhowaan ku tabaaloobay abaartii Somaliland ka dhacday.

https://youtu.be/9z_6wVrQXfM

Deeqdan raashinka ah oo ka koobanyd Bariis,Daqiiq,Sonkor,Saliid iyo Timir ayaa waxa ka faa’iideystay 800 oo qoys kuwaas oo Degan Gobolka Hawd  iyo degmada  Salaxley.

Muunasibada qaybinta deeqdan ayaa waxa ka soo qayb galay Maamulka,Culimada iyo Waayeel kalle,kuwaas oo dhamaantood mahad-naq iyo duco u jeediyeen Ganacsadde Maxamed Yuusuf Cali oo isagu kaalmadan soo bixiyey.

Ibraahim Colaad oo ka mida odayada iyo qoonyahanka Gobolka Hawd ayaa sheegay in deeqdani timi xili ku maanasib ah oo dadkii abaartu saamaysay waqtigan ku jiraan duruufo adag oo ka dhashay dhibta soo gaadhay,wuxuna mahad naq u jeediyey Maxamed Yuusuf iyo cid kastoo gacan ka geystay soo gaadhsiinta deeqdan bulshada loo keenay .

sidoo kale waxaa munaasabadii qaybinta raashinka ee degmada salaxley ka hadlay Maayarka Salaxley Ismaaciil Yusuf(Shiine} oo ka waramay baahida jirta iyo waxtarka ay deeqdani u leedahay dadkan abaaroobay, waxa kale oo uu xusay in deeqdani aanay ahayn tii u horaysay ee Maxamed Yuusuf Cali Guray soo gaadhsiiyo degaankan ee uu marar horena u soo diray deeqo wax ku oola wuxuuna Maayarku ugga mahad celiyay waxtarkaas.

Waxa isaguna munaasibadii qaybinta deeqdan ka hadlay Axmed Cabdiqaadir Gudoomiyaha Gididda  qaybinta Deeqda Maxamed Yuusuf,wuxuuna madasha ka sheegay in taakulo tan la mida gaadhsiin doonaan Goboladiikalle ee  iyagana abaartu saamaynta ku yeelatay.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com 

LEAVE A REPLY