Ganacsade Maxamed Aw Siciid iyo Dhamaan Masuuliyiinta SOMCABLE Oo Tacsi Tiiraanyo-Leh u Dirayaan Eheladii, Qaraabadii Cumar Cabdi Xasan (Cumar-Saalax)

0
1450

HargeisaPress  — Allaha u naxariiste waxaa arooryadii hore ee Saaka oo ah maalin khamiis ah, taariikhduna tahay 31.03.2016 ku geeryooday magaalada Hyderabad ee dalka Hindiya Cumar Cabdi Xasan Roodhiile oo ku magac dheeraa (Cumar Saalax) oo siweyn loo yaqaan gayiga Soomaaliland iyo guud ahaan dhulka Somalida. Marxuumka ayaa mudo sanad iyo dheeraad ahba xanuun u jiifay Isbitaal ku yaal hindiya.

 

Cumar Saalax wuxuu kamid ahaa dhalinyarada magaalada Hargeisa iyo Ciyaartowgii soo maray taariikhda Somaliland kuwii ugu caansanaa uguna magaca waynaa, gaar ahaan Sanadihii 1994-2000, isagoo ka mid ahaa kooxihii Kubada Cagta ee NPP iyo NDC.

 

 

Wakhtiyadii uu Marxuum cumar saalax ka fadhiistay ciyaarta kubada cagta wixii ka dambeeyeyna wuxuu ka mid noqday Madaxda Shirkadda SOMCABLE iyo MSG.

 

Dhamaan Bahda Shabakadda HargeisaPress.com  waxay tacsi u dirayaan dhamaan qoyska iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuumku, rabbi janadiisi haka waraabiyo aamiin. Marxuum Cumar Saalax wuxuu ifka kaga tagay 6 caruur ah iyo Hooyadood.


Dhamaan masuuliyiinta SOMCABLE oo ugu horeeyo Mohamed said geedi iyo Abdulkadir Batuun Caraale, Axmed Muxumed Cumar (Axmed Talyaani), Caydiid Aaden Geedi Issa Ismail Issa, Dhamaan Bahda Shabakadda HargeisaPress.com oo kala ah Shiine Cilmi Kaahin, Mohamed Cabdiraxmaan Yaasiin(Mohamed Carab), Mahad Kadleye, Cumar C/Risaaq Cali, Xuseen Maxamuud Maygag. Sabaax Cabdi Aadan, Guled Iman Muxumed. Ilaahay Samir iyo Iimaan Kaamil ah ha inaga siiyo Marxuumkana Alle Jannatul Firdowsa ha ugu bishaareeyo, Aaamiin, Aaamiin, Aaamiin.

 

 

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here