Ganacsade Aadan Baradho Oo Tacsi Tiiraanyo Leh U Diray Qaranka Somaliland iyo Qoyskii Uu Ka Baxay Xaaji Cabdi Waraabe

0
1137

HargeisaPress —Ganacsade Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) oo kamida Odayaasha waa-weyn ee haldoorka Qaranka Somaliland ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Qaranka Somaliland iyo qoyskii iyo qaraabadii Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf ( Cabdi Waraabe) oo 10 May 2019 ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Ganacsade Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) oo kamid ahaa Odayaashii Guurtida ahaa ee ay mudada dheer kasoo wada-shaqaynayeen dhismaha Qaranka Somaliland ayaa waxa  xusay in Xaaji Cabdikariin Xuseen ahaa geed damala oo ilaa dhalinyaro-nimadiisii kasoo shaqaynaayey danbeeyey danta guud iyo halka ay ku jirto maslaxada ummaddu

Ganacsade Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) ayaa sidoo kale xusay doorkii lama ilaawaanka ahaa ee uu kasoo qaatay aas-aaskii Golaha Guurtida Somaliland oo Xaaji Aadan qudhiisu kamid ahaa Odayaashii aas-aasay, iyo sidoo kale doorkii muga iyo miisaanka lahaa ee Xaaji Cabdikariin kasoo qaatay dhismaha Qaranka Somaliland iyo Nabadayntii Beelaha walaaha ah ee wada degan Somaliland.

Ganacsade Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) ayaa gaba-gabadii waxa uu u duceeyey Marxuum Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf in ilaahay janadii fardawsa geeyo macii rasuulka SCW ka yeelo kitaabkiisana midigta kasiiyo.. Aamiin Aamin

LEAVE A REPLY