Gabiley: Xildhibaan Soo Kormeeray Goobaha Diiwaan-gelintu Ka Socoto

0
379

Gabiley (HP): Xildhibaan Cabdikariin Maxamed Dheere, oo ka tiran golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta soo kormeeray qaybo ka mid ah goobaha ay diiwaan galinta codbixiyeyaashu ka socoto ee gobolka Gabiley.
Xildhibaanka oo ka mid xubnaha laga soo doortay gobolka Gabiley, waxaa kormeerkaasi ku wehelinayay xubno ka mid ah golaha deegaanka Gabiley, iyo masuuliyiin kale waxaanay kormeerka ku soo mareen deegaanka Ijaara.
U jeedadda kormeerka xildhibaan C/kariin Maxamed Dheere, ayaa la xidhiidhay sidii uu bulshadda ugu baraarujin lahaa in ay is diiwaan geliyaan, isla markaana ay kaadhadhka codbixinta qaataan.

DAAWO: Kormeerka Xildhibaan C/kariin Maxamed Dheere Ee Ijaarra Gabiley:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY