Gabiley: Xildhibaan Axmed Ciisood Oo Ka Hadlay Go’aankii Maxkamadda Sare

0
435

Gabiley (HP): Xubno ka mid ah xildhibaanadda golaha deegaanka degmadda Gabiley ayaa ka dareen celiyay go’aankii maxkamadda sare ee Somaliland ka soo saartay dacwad ay hore maxkamada ugu gudbiyeen.
Xildhibaan Axmed Ciisood Axmed, oo hormood u ahaa dacwadaasi ay maxkamadda sare u gudbiyeen iyo soo oogidda mooshinka xil ka qaadista maayarka Gabiley, ayaa go’aankii maxkamadda sare ku tilmaamay mid aanay u marin u jeedadda arrintii ay u soo gudbiyeen.
Waxaanu sheegay in maxkamadda sare ee Somaliland dacwadda ay u gudbiyeen ay ahayd racfaan ay ka qaateen waraaq ay wasaaradda arrimaha guduhu ku joojinaysa fadhiyadda aan caadiga ahayn ee goleyaasha deegaanka dalka.

Amarkaasi wasaaradda daakhiliga ayuu sheegay in ay sharci darro u arkayeen, isla markaana arrinta ay maxkamadda sare u gudbiyeen ee ay doonayeen in ay go’aanka ka gaadho ay ahayd wareegtadaasi wasiirka arrimaha gudaha.
Xildhibaan Axmed Ciisood, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Gabiley waxa kaloo uu sheegay in eedaha ay maayarka u jeediyeen ay ka mid ahayd inuu ku kacay musuq maasuq, sharci jebin, iyo awood marroorsi.
Waxaanu xusay in dhamaanba arrimihii ay hore maayarka Gabiley ugu soo eedeeyeen ay sidoodii u soconayaan ayna marayaan haayadaha ku shaqadda leh, isla markaana marka la gaadho kal-fadhigoodda u horeeyana ay ku qaadi doonaan maayarka.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Offie.

LEAVE A REPLY