Gabiley: Shirkad Mashruuc Horumarinta Beeraha ah Ka Fulinaysa Banka Wajaale

0
1252

Gabiley (Hargeisa Press): Haayada horumarinta wax soo saarka Afrika (African agricultural development group) ayaa Somaliland ka fulinaysa mashruuc horumarinta beeraha ah.


Shirkadan oo laga leeyahay dalka China ayaa mashruuc horumarinta wax soo saarka ah ka fulinaysa banka Wajaale ee gobolka Gabiley.
Iyadoo la qorsheeyay in ay wejiga hore tijaabo ahaan wax ka beerayaan dhul baaxadiisu dhan tahay 2000 hegter.
Waxaanay shaqaale ahaan u qaadanayaan 200 qof oo shaqaale ah.


Sida uu sheegay wasiirka beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, kadib kormeer wefti uu hogaaminayaa ay ku tegeen banka Wajaale.
Waxaana wasiir Seed, kormeerkaasi ku wehelinayay badhasaabka gobolka Gabiley C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, iyo masuuliyiin ka socday haayadda Africa agricultural development group.

Daawo: Warkaasi


Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY