Gabiley: Qurbe Joog Qalab iyo Dirays Gaadhsiiyay Dugsi Waxbarasho

0
896

Gabiley (HP): Xubno qurbe joogta reer Gabiley ah ayaa maanta qalab iyo dirays gaadhsiiyay dugsi waxbarasho kuu ku yaalla deegaanka Idhanka Deerayahanka oo ka tirsan gobolka Gabiley.

Waxaanay dugsigaasi qurbe joogtu soo gaadhsiiyeen dirays ay ardaydu xidhaan, buugaag iyo waxyaabo kaloo ka mida qalabka loo isticmaalo waxbarashadda aasaasiga ah ee hoose.

Sidoo kale xubnahan qurbe joogta ah waxay dirays iyo agab kaloo waxbarasho gaadhsiiyeen isla Mederasad ku taalla deegaanka Idhanka Deerayahanka. Mederasadaasi oo hore u hirgeliyeen  xubno qurbe jog ah.

Waxaana qalabkaasi maanta gaadhsiiyay goobahaas waxbarasho Shaadiya Xaaji Muuse iyo xubno kaloo ka socday qurbe joogtii soo bixisay agabkan waxbarasho.

Xubnahaasi oo ay u soo wakiisheen qurbe joogtu ayaa uga mahad celiyay qalabkan ay ku soo caawiyeen caruurta wax ka barata dusgigaasi iyo mederasadaasi.

Daawo: Warkaasi:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here