Gabiley: Hirdanka Masuuliyiinta Xukuumadda Dhexe Maamulka Degmooyinka iyo Duqeyda Oo Saameyn Ku Yeeshay Hanaankii Dawladnimo

0
990

Gabiley,(HargeisaPress)-Maalmihii u dambeeyay khilaaf culus, oo buuq iyo rabshaddo abuurey ayaa ka taagnaa Guud ahaanba Gobolka Gabiley, gaar ahaana Degmada Tog-Wajaale kadib markii sitoos ah looga dareemay loolan adag iyo isgarbin ka dhex socota Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumada iyo dhalinyaro hawl-wadeenadda Wasaaradaha ah oo kala Xigsanaya Awooda Madaxweynaha.

Dhacdooyinkan ay Wasiiradda Xukuumada dhexe ee Somaliland ay isku daba mareen Degmada Tog-Wajaale ee katirsan Gobolka Gabiley,oo banaanka usoo saartey in khilaaf huursani u dhexeeyo Golaha Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa kusoo beegmay, markii Wasiiro badani kasoo daba mareen Socdaal Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed kusoo gaadhey Tog-Wajaale isagoo Warbixino kaga wada dhageystey Maamulka Gobolka iyo ka Degmada Tog-Wajaale iyo sidoo kale Guddi qaab Maamul u dhisan oo ka jirra Degmada oo iyaguna Musdambeed u ah arimaha Maamulka haseyeeshee, isagoo la yaaban arimaha uu ka dhagaystey Gudida Tog-Wajaale ku amrey in Maamulka Gobolka iyo Ka Degmada loo daba fadhiisto, arimaha Xukuumiga ah ee Dawllada iyo talaabooyinka la qabanayo oo masuuliyadeeda Wasaaradda Arimaha Gudaha khuseeya.

Waxaanu Sabab u noqdey Amarka Wasiirka Arimuhu Guduhu Siiyay,  Maamulka Gobolka iyo ka Degmadu in Gudida Tog-Wajaale is hortaagto dhul lasiiyay Wasaaradda Gaadiidka iyo Hurumarinta jidadka oo markii buuq iyo rabshado gacan ka hadal ahi ka dhashey lagu taxaabey Xubno kamid ah Gudidaasi ka dhisan Wajaale taas, oo ay haddana dib uga hawlgaleen dhalinyaradda Awooda ku leh Xukuumada, oo iyaguna Madaxweynaha kasoo dhameeyay in Guddi Wasiiro ah laga daba dirro amarka Wasiirka Arimaha Gudaha islamarkaana, go,aano lagu soo dabaalo ka noqoshada dhulkii lasiiyay Wasaaradda Gaadiidka iyadoo, Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Wasiirka Hawlaha Guud loo soo dirrey in ay arintaa kusoo jabiyaan amarkii Gudoomiyaha Gobolka iyo Wasiirka Daakhiliga laguna soo daayo Xubnihii Gudida ee la taxaabey.

Kulankii u horeeyay ee Wasiiradda,oo ay la joogaan Maamulka Gobolka iyo ka Degmada Tog-Wajaale oo uu ka hadley Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan, ayaa sitoos ah looga dhadhansadey, in la isugu itaal sheeganayo Awooda Madaxweynaha islamarkaana, ay arimahan si aan qarsasho kujirin Madaxweynaha ugala xidhiidheen dhalinyaro,albaabkiisu u furan yahey oo Wasaaradaha qaarkood ku shaqo leh si aynu Tusaale uga soo qaadano hirdankan iyo Saameynta uu ku yeeshay nidaamka Dawlladnimo aynu dhugano hadalkii Caaqilka.

«Annagoo Sacad-Muuse ah ayaa Dawllada haysana,lanooku itaal sheegan maayo maanta Addiguna Badhsaabaw inaadeerkaa ayaad u hiilisey(Wasiirka Gaadiidka Cabdilaahi Abokor), Taliyaha Saldhigana Waannu badelaynaa oo joogi maayo, kana shaqeyn maayo Halkan(Tog-Wajaale), Waa baddel annakaana badelayna»Ayuu yidhi Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan.

Hadalka Caaqilka oo daaha ka feyday, sida loo kala jiidanayo awooda Xukuumada iyo Awooda ay Gudida Tog-Wajaale ku leedahay madaxdhaqameedka iyo Masuuliyiinta Gobolka kasoo jeeda ee Xukuumada katirsan, iyo waliba khilaafka huursan ee u dhexeeya Golaha Wasiirada laf ahaantooda, Waxaaney Geesta kale arimaha noocan ahi Xusuusiyeen Gudoomiyaha Gobolka hadaladii uu ka jeediyay markii uu xilka kala Wareegay Gudoomiyihii ka horeeyay Maxamuud Cali Hayste(Ramaax) oo maalintaa u sheegay in uu iska ogaado in Tog-Wajaale uu ka jirro laba Maamul oo labaduba Cashuuro qaaddaan.

Dhinaca kale hirdankan Golaha Xukuumada ee Gobolka Gabiley ka socdey indhawaale, Waxa siweyn looga dareemayaa, in ay ku kala aragti duwan yihiin ama ku kala fogaadeen Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Maxamed Xaaji Axmed Cismaan(Indho-Balac) iyo Maayarka Degmada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo mudooyinkii hore si aad ah isugu dhawaa laakiin xiligan ku kala beydhay Amarkii Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Awooda uu Maamulka Gobolku ugu gaar yeelay arimaha Tog-Wajaale Maamulka Degmada maadaama uu Maayarka Gabiley sikasta uga soo horjeedo dhaqdhaqaaqyada Wasiirka Arimaha Gudaha ee Gobolka Gabiley ku aadan iyo midda gaarka ah ee ku aadan sida aanu raalida uga aheyn Maamulka Degmada Tog-Wajaale.

Sikasta oo xaalku yahey marka la isku soo xooriyo arimaha ka Socda Gobolka Gabiley ee banaanka usoo saarey sida aanu uwada Socon nidaamka Maamulka Dawlladnimo ee Golaha Wasiirada Xukuumada, iyo khilaafyada huursan ee u dhexeeya Maamulka Golaha Deegaanka ka Degmada Tog-Wajaale,dhalinyaradda Wasaaaradaha,iyo Maamulka Gobolku wuxuu guud ahaanba meesha ka saarey sumcadii iyo nidaamkii Dawlladnimo ee dalka ka dhisnaa.

HargeisaPress News Desk – Wajaale

LEAVE A REPLY