Gabiley: Haweenay La Raadinyay Muddo Shan Cisho Ah Oo Maydkeeda Laga Helay Meel Lagu Qariyay+Magaca Haweenayda Iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gabiley Oo Ka Hadlay

0
1780

Gabiley, (HargeisaPress) —Haweenay muddo shan cisho ah la raadinayay oo la waayay ayaa maanta maydkeeda laga helay meel caws ah oo lagu dhex qariyay.

Waxaana maydka marxuumaddan alla haw naxariistee laga helay deegaanka Inanka Jufada oo kamida degmada Wajaale ee gobolka Gabiley,waxaana haweenaydan oo eheladeedu raadinayeen muddo shan cisho maydkeeda laga helay kuus caws ah oo lagu dhex qariyay laguna aasay.

Ciidamada booliska gobolka Gabiley oo maalmahanba hawlo baadhitaan ah waday ayaa maanta maydkan marxuumadda soo helay,waxaana marxuumaddan lagu magacaabaa Raxma Aw-aadan.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Gabiley ayaa ka hadlay falkan arxan darada ah ee ka dhacay gobolka Gabiley waxaana uu sheegay in ay gacanta ku hayaan ciidamada boolisku eedaynaha loo hayo kiiskan waxaan isaga oo arrimahaasi ka hadlayana uu yidhi sida tan

“Arrin gabadh la raadinayay maalmahanba oo la waayay oo gurigeedii laga waayay iyadoo joogta Ayaan maanta maydkeeda soo helnay iyada oo maalmahanba ciidamada nabadgaliyada iyo maamulka gobolkuba raacdadeeda ku jireen,nasiib wanaag se maydkii waanu helnay ninkii eedaysanaha ahaa ee lagu eedaynayayna waanu haynaa kiiskana gacanta ayaa lagu hayaa,qof kastena waa dhimanayaa gabadhana wakhtigeedii uunbay dhimatay waxii shardi ah iyo waxii arrintan khuseeyana gacanta ayaanu ku haynaa kiiskana waa la baadhayaa waa in dadku is dajiyaan oo ay ku eegaadaan reerahoodii dadkuna waa dad walaalo ah markaa dadka waxaan ugu baaqaynaa in ay walaalnimadooda iyo amnigooda ay adkeeyaan”sidaas ayuu  hadalkiisa kusoo koobay taliye qaybeedka booliska gobolka Gabiley.

Gabagabadiina falkan foosha xun ee ka dhacay gobolka Gabiley isla markaaan haweenaydan inta la dilay lagu qariyay caws badan dhexdii  Ayaan ahayn markii u horeysay ee fal noocan oo kale ah uu ka dhaco Somaliland.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here