Gabiley: Haayadda Camuud Foundation Oo Raashin Ka Qaybisay Degaanka Ijaarra

0
294

Gabiley (HP): Haayadda maxaliga ah ee Camuud Foundation ayaa raashin caawimo ah ka qaybisay deegaanka Ijaarra oo ka tirsan degmadda Gabiley.


Qaybinta raaahinkaasi waxaa goob joog ka ahaa badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, masuuliyiin ka socday haayadda Camuud Foundation, iyo xubno ka mida golaha deegaanka Gabiley.


C/qani Maxamuud Jiidhe, badhasaabka gobolka Gabiley ayaa haayadda Camuud Foundation uga mahad celiyay raashinkan caawimadda ah ee ay bulshadda deegaanka Ijaarra, soo gaadhsiiyeen.


Waxaanu sheegay badhasaabku in codsi dhawaan ay bulshadda deegaanka Ijaarra baahidoodda ugu sheegteen uu ugu gudbiyay haayadda Camuud Foumdation, isla markaana ay haayadu dhakhso uga soo iawaabtay baaqiisii.


Raashinkaasi oo isugu jiray Bariis, Daqiiq, Saliid, Sonkor, iyo Timir, ayaa la gaadhsiiyay qoysas dan yar ah oo baahan, kuwaasoo ay xoolahoodiina ka baxeen.


Geesta kale bulshadda deegaanka Ijaarra ee raashinka loo qaybiyay ayaa haayadda Camuud Foundation uga mahad celiyay caawimadan ay soo gaadhsiiyeen.

DAAWO: Hadal Jeedintii Badhasaabka Gabiley ee Raashin Qaybinta Ijaarra:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY