Gabdho Dhawaan Laga Soo Xidhay Boorama Oo Maanta La Sii Daayay

0
496

Boorama (HP): Waxaa maanta xabsiga laga sii daayay 35 dhalinyaro haween ah oo muddo dhawr todobaad ah ka hor laga soo xidhay magaaladda Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Dhalinyaradaasi oo dhamaantoodba Gabdho ayaa magaaladda Boorama laga soo xidhay 26-kii bishii June, kadib markii sida la sheegay ay ku soo labisteen kuna dabaal-degeen calanka Buluuga ah Soomaaliya.

Arrintaasi oo kadib markii ay baraha Internet-ka ee bulshadu ku xidhiidho ee la ogaaday ay ciidamadda boolisku dhamaantoodba ka soo qabteen duleedka Boorama oo ay tegeen dhalinayradaasi oo isugu jiray Wiilal iyo Gabdho.

Dhalinyaradaasi ayaa markii la soo qabtay lagu soo xidhay xabsi ku yaalla magaaladda Gabiley, halkaasoo ay muddo ku xidhnaayeen.

Hase yeeshee waan-waan iyo ergooyin ay siidaynta dhalinayradaasi ka galeen siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta iyo madax dhaqameedka gobolka Awdal, ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu cafis ku sii daayay dhalinayaradaasi.

Kuwaasoo maanta la sii daayay 35 gabdhood oo ka mid ahaa, halka weli xabsiga ku hadheen koox Wiilal ah oo gabdhahaasi lala soo qabtay.

Wiilasha ayaa la sheegay in la sii dayn doono maalmaha soo socda, maadaama oo hadda la gallay maalmihii Ciidul-Adxaa, sidaas darteedna ay suurto geli wayday in mar lala sii daayo gabdhihii mar lala soo xidhay.

Wasiirka caafimaadka Somaliland  Cumar C/laahi Bede, oo ka mid ahaa masuuliyiintii sida weyn uga qayb qaatay sii daynta gabdhahaasi ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, uga mahad celiyay inuu ka aqbalay codsigoodii.

Waxaanu sheegay Wiilasha weli xidhan in iyagana si dhakhso ah loo soo dayn doono, isla markaana aanay soo dayntoodu u baahnayn cod, balse amarka lagu sii daynayo uu bixiyay madaxweynuhu.

Waxaanu yidhi, “Waxaan u mahad celinayaa ILLAAHAY SWT oo inagu guuleeyay in aan maanta halkan dhalinayarteenii u soo celino waalidkoodii. Waxa kaloo mahad gaarra leh madaxweynaha Somaliland oo gartay in dhalinayrataasi ay la ciidaan waalidkoodda.

Hablaha anagaa codsanay in si dhakhso ah loo soo daayo. Wiilashuna way ka danbeeyaan, oo waa la soo daynayaa, ciidu marka ay baxdo. Amarkaasina wuu baxay, oo codsi danbe uma baahna.  Nidaamka waafajintiisii ayaa wakhti u baahatay, waana la soo daynayaa”.

Wasiir Bede, ayaa dhalinayaradda u jeediyay dar-daaran la xidhiidha in ay ka waantoobaan waxyaabaha dhibaatadda ku keenaya qofnimadoodda, waxbarashadoodda, iyo waalidkoodaba marka la xidho sidan oo kale.

“Saddex qodob baan rabaa in aan halkan ka shegeo. Midi waa iga waano, waxaanan leeyahay dhalinyaradda Wiilal iyo Gabdhoba, wakhtigiinu uma qalmo in cid kale isticmaasho. Mustaqbalkiinu uma qalmo in cid kale ku shaqaysato.

Tamartii, iyo tacabkii waalidkiinu ma geyo in maskaxdiina la bedelo, oo lagaa hor keenno waalidkaagii iyo qarankaagii, calankaagii.

Waxaanay ceeb ku tahay waxbarashadaadda, waxay cay ku tahay garraadkaaga, waxaanay dhibaato ku noqonaysaa waalidkaaga, kuu dedaalayay, ee dibadda u wareegay inuu xabsiga kaa soo saarro, ayay ku tahay culays iyo niyad jab.

Laakiin, maanta waxaan ku faarxsanahay, in aanay maskaxdiinu tii hore ahayn” ayuu yidhi wasiirka caafimaadka Somaliland.

Geesta kale, markii ay dhalinaradaasi la sii daayay waxaa duleedka barri ee magaaladda Boorama ku soo dhaweeyay waalidiinta, madax dhaqameed, waxgaradka, iyo maamulka gobolka Awdal.

Badhasaabka gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiibarro), oo la hadlay waalidiinta ayaa ka dalbaday in ay caruurtoodda ka war hayaan, isla markaana ay dhalinayradu ka feejignaadaan in ay mar danbe qaataan Calanka Soomaaliya.

Sidoo kale waalidiinta dhalay dhalinayradda Gabdhaha ah ee  la sii daayay ayaa soo dhaweeyay tallaabadaasi oo ay madaxweynaha Somaliland uga mahad celiyeen cafiska uu u fidiyay.

Dhinaca kale, qaar ka mid ahaa gabdhihii la sii dayay oo warbaahinta la hadlay ayaa u mahad naqay ururka haweenka ee NAGAAD oo ay sheegeen in ay kaalin weyn ka qaateen soo dayntoodda.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY