“Dhalinyaradda waxbartay waa in ay noqdaan kuwo aan maskaxdoodda la caayi Karin”…

0
444

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, ayaa ku booriyay dhalinyaradda mutacalimiinta ah ee reer Somaliland in ay noqdaan kuwo ka shaqeeya horumarka dalka iyo wadda jirka ummadda.

Waxaanu sheegay wasiirku in aan qaranimadda iyo horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay sodonkii sanadood ee ay jirtay in aan dhayal lagu keenin, balse ay dad ka soo shaqeeyeen oo ay u hawl galeen.

Saleebaan Yuusuf Koore, ayaa dhalinyaradda waxbaratay waxa uu kula dar-daarmay in ay ka feejignaadaan hadaladda naxliga xanbaarsan ee uu cadowgu ku soo dhex tuurayo bulshadda.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in cadowgu ay erayo khaldan oo ummada kala fogaynaya ay baraha bulshadu ku xidhiidho ee Internet-ka ku soo dhex tuurayaan.

Sidaas darteedna waxa uu ku booriyay dhalinyaradda jaamacadaha ka aflaxay Wiilal iyo Gabdhoba in ay noqdaan aan maskaxdoodda  la caayi Karin.

Waxaanu wasiir Koore, dhalinyaradda kula dar-daarmay in ay noqdaan kuwo ummadoodda iyo qarankoodda ilaashada oo aan cadowga u addeegin, Kana shaqeeya horumarkoodda iyo haybadoodda qaranimo oo ay u addeegaan.

Wasiirku waxa uu sidan ka sheegay hadal uu maanta ka jeediyay munaasibad loo qabtay arday ka qalin jebiyay jaamacadda GOLLIS faraceedda magaaladda Hargaysa, oo uu ka qayb galay.

Geesta kale wasiir Koore, waxa uu u hanbalyeeyay dhamaanba ardayda maanta ka qalin jebisay kuliyadaha kala duwan ee jaamacadda GOLLIS faraceedda magaaladda Hargaysa.

Isagoona xusay in maamulaha guud ee jaamacadda GOLLIS ay saaxiib dhaw yihiin, isla markaana uu ogaa xiligii uu aasaasayay jaamacadaasi.

 

DAAWO: Wasiir Koore Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here