Gabadh Soomaali Ah oo Lagu Dilay Magaalada Mombasa Ee Dalka Kenya

0
1280

Mombasa (Hargeisa Press) – Najmo Macalin Cabdullaahi oo ahayd gabadh yar oo Soomaali ah, kana mid ahayd ardaydii sanadkan ka baxay Dugsiga Sare ee magaalada Mombasa, ayaa meydkeeda laga helay deegaanka Bonji ee Magaalada Mombasa, ka dib saddex cisho oo la la’aa.

Xasan Bashiir oo ka mid ah ehelada marxuumadda, ayaa sheegay in gabadha ay ugu war dambeysay gelinkii dambe ee Arbacadii, saddex cisho ka dibna ay meydkeeda heleen.

Xasan Bashiir ayaa tilmaamay in gabadha ay is raaceen gabar kale oo saaxiibo ahaayeen, markaasna ay ugu dambeysay.

“Gabadh yar bay ahayd oo 19 jir ah. Gabadha waxay maqnayd saddex cisho, waxay baxday Arbacadii 4-ta galabnimo. Gabadh kale oo saaxiibadeed ah ayay guriga iska raaceen, oo ay u raacday meel la yidhaa Martini.” Ayuu yidhi Xasan Bashiir.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in meydka gabadha uu ka muuqday dhaawacyo loo gaystay, isagoo intaa ku daray inaanay garanayn sababta loo beegsaday gabadha.

“Gabadha dhaawacyo ayaa ka soo gaadhay jidhkeeda meelo ka mid ah, sida wejiga dhinaca dhabanka, kelida oo kale, ilkaha oo afka hore ah. Dhaawacyada meelahaas ayaa ugu weynaa.” Ayuu yidhi Xasan Bashiir.

Xasan Bashiir ayaa yidhi “Gabadha sababta loo beegsaday weli maanan garanin, hadda baadhitaan baan ku haynaa, baadhitaankaas markaan dhamayno uun baan ogaan doonnaa, Insha’Allah.”

Waxaase uu sheegay in dilka gabadha ay kaga shakisan yihiin gabadhii ay saaxiibada ahaayeen ee guriga iska raaceen, taasoo ay soo xidheen Booliska Kenya.

Soomaalida ku dhaqan magaalo xeebeedka Mombasa, ayaa aad uga cadhooday dilka halkaasi loogu gaystay gabadha dhalinyarada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here