G. Maxkamadda Sarre Oo Dhaariyay Xubin Cusub Oo Guddida Dacwadaha Cashuuraha

0
318

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha maxkamadda Sare ee Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta dhaariyay xubin cusub oo ka mid noqonaysa guddida Dacwadaha cashuuraha ee heer qaran.
Xubintan la dhaariyay oo ah Cali Baashe Maxamed, ayaa buuxiyay jago ka banaanaatay guddiga dacwadaha.
Waxaanu laga bilaabo maanta ka mid noqonaya xubnaha guddida Dacwadaha cashuuraha qaran ee Somaliland.
Guudimaya maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa dhaarinta kadib waxa uu kula dar-daarmay mudanahaasi in uu qaranka ugu adeego si daacad ah. Waxaanu ALLE SWT uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY