Fursadaha Xalka iyo Wada-hadalka Yaan La Qawdin!

0
713

Qore: Cumar Maxamed Faarax
Kadib markii aynu wada jir iyo yuhuun walaaltinimo aynu ku muunaynay munaasibaddii 31 guurada madax-bannaanida Somaliland ee 18kii May oo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba looga debaal-degay jawi farxadeed, waxa ummadda reer Somaliland naawilaysay in xisbiyadda siyaasadduna ay wadahadalkooda ka gaadhaan xal loo dhan yahay oo lagu furdaamiyo khilaafka jira.
Sidoo kale, waxa daruuri ah in dhinacyadu aanay soo xidhin albaabada wada-hadalka oo ah xalka loo marayo heshiis laga gaadho khilaafka ka dhashay doorashooyinka ururrada siyaasada iyo ta madaxtooyada midda soo horeynaysa, maadaama oo labaduba sannadkan dabayaqaadiisa muddaysan yihiin. Waxa xisbiyada iyo xukuumaddaba waajib ka saaran yahay in aanay miidaanka la soo istaagin quus quluubta shacbiga qarracan ku ridi karta.
Waxa kaloo lagama maarmaan ah in dhinacyadu aanu mid waliba dhinaciisa ka noqon maro-ku-dheg, waase in mar walba uu jiraa tanaasul ka yimaada xisbiyada iyo Xukuumaddaba si hore loogu sii socdo.
Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu habeen hore madaxtooyada dhigay gogol loogu yeedhay madaxda xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, kaasi oo uu ka soo shaqeeyey siyaasiga Cali Maxamed Waran-cadde, waxana lagu falanqeeyey arrimihii xisbiyada iyo Xukuumaddu isku diidanaayeen ee la xidhiidhay arrimaha doorashooyinka, kulankaas wax horumar ah lagama sameyn, hase ahaatee waxa loo balamay in toddobaadka dambe habeenka Axaddu soo galayso dib loo ambo-qaado wada-hadalka u socday xisbiyada iyo Xukuumadda.
Guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID waxay sheegeen in wada-hadalkaasi lagu soo kala kacay, waxaanay muujiyeen rejo xumo iyo quus, taasi oo ah mid lagu degdegay oo aanu ka muuqan inay juhdi geliyaan sidii wadahadalku u sii socon lahaa, loogana gaadhi lahaa natiijo saacidaysa danta guud ee aynu wada leenahay.
Hadalka madaxda mucaaridku wuxuu qalbi jab ku yahay shacbiga samaha jecel, waxana la gudboon in aanay ka quusin jidkii is-afgaradku ku iman lahaa maadaama oo ay Somaliland dhaqan guun ah u lahayd inay khilaafkeeda xal u hesho. Kaasi oo ah waxaynu kaga duwan nahay dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya oo khilaafkooda mar walba aan maaro loo helin haddii aan shisheeye u guntan.
Cali Maxamed Waran-cadde oo isna hadlay ayaa sheegay in wadahadalku bilaabmeen, islamarkaana aan isla fadhigaas go’aan laga gaadhin qodobadii la isla soo qaaday, hase ahaatee kulamadu socon doonaan iyadoo la iska qancinayo waxyaabaha shuruucda dalku ka sheegtay qoddobada lagu muransan yahay. Hadalka Waran-cadde wuxuu dadweynaha ka jaray falaadhii iyo walaacii ay abuureen Guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah oo dadka siyaasadda odorosa qaarkood ku doodeen in doodoodu ay ahayd farriin loo diray diblomaasiyiin shisheeye oo ay ku qanacsan yihiin inay Somaliland soo dhex galaan.
Ugu dambeyn, waxa loo baahan yahay in kulamada wada-hadalladu sii socdaan oo danaha dhinacyadu kala leeyihiin meel la iska dhigo. laguna guntado sidii loo badbaadin lahaa sooyaalka dhaqan ee JSL oo ahayd dal qaybo badan oo dunida ka mid ahi ay tahay in aynu macalin ugu noqono dib-u-heshiisiinta iyo suulinta noocyada kala duwan ee khilaafaadka, maadaama oo aynu nahay qaran 31 jirsaday oo aan u baahnayn inuu raadkiisa dib uga noqdo.
Waxaan ku gabo-gabaynayaa albaabada xalka yaan la owdin. Waana in laga fogaadaa wixii qoomaya midnimada iyo wadajirka ummadda reer Somaliland “Aan wada-hadalno waa aan heshiino.”

W/Q: Cumar Maxamed Aw Faarax.

LEAVE A REPLY