Fulinta Wacyi-gelinta iyo Barashadda Dastuurka JSL W/Q Dg Jamaal A. Muuse

0
698

“Xarunta Akhriska Al-Nuur, ee xaafadda Sheekh Nuur, kor u qaadista Fahanka iyo aqqonta dastuurka JSL”…

• Ugu horreyn, ka wasaarad ahaan waxaannu hawl-fulin shaqo oo ku saabsan wacyi-gelinta iyo barashadda dastuurka JSL la qaadannay dhallinyarada xarunta Akhriska ee Al-Nuur oo ku taalla xaafadda Sheekh Nuur, degmada Gacan-Libaax ee caasimadda Hargeysa.

• Xaqiiqdii, dhallinyaraddan oo hormood u ah Xarunta Akhriska ee Nuur ayaa si heer sare ah u soo agaasimay, oo ka kooban 30 qof, oo muddo labo maalmood ah qaadanaya tababar la xidhiidha dastuur iyo casharro Waddaniyadeed oo ku lin-gaxan faham guud, waafinimo dawladdeed, ummadnimo, qaran-nimo, mind-nimo yo kordhin waddaniyadeed.

• Sidoo kale, aniga oo aad ugu faraxsan wakhti la qaadashada dhallinyar hammi iyo higsi qarannimo leh, waxaa dulucda hadal jeedintayda ka mid ahaa qodobadan soo socda:

1. Ahmiyadda xarun Akhris iyo doorka addeegyada kobcinta, aqoonta, nidaamka la qabatinka wax akhriska, hormaynta xaddaaradda, dhigaalka taariikhda dalka iyo dadka, iyo joogtaynta shaqada wanaagsan ee Nuur Library u hayo bulshadda Hargeysa, gaar ahaan xaafadda Sheekh Nuur.

2. Waafinimada bixinta tababar Dastuur iyo wacyi-gelin waddaniyadeed oo la siiyo dhallinyar ka kooban wiilaal iyo hablo.

3. Muhimmadda heegannimada iyo gudbinta addeegyo Dastuur oo Wasaaradda Dastuurku la wadaagto bulshada sheekh Nuur iyo guud ahaan bulsho-weynta reer Somaliland.

4. Kobcinta Fahanka Aqoonta, iyo Ka faaiideysiga wakhtiga dhallinyarnimada oo ku suntan xilli dahabi ah oo qofku qaadan karo go’aamo naftiisa saameyn togan ku reeba. Sida inuu kor u qaado tacliinta oo uu noqdo darbane qalin iyo buug, islamarkaana fahmo taariikhda iyo cilmiga dhigaalka ah, halkii uu ku xidhnaan lahaa faan iyo tebin affeed baylahsan,

5. Sii xoijinta kor u qaadista fahanka wacyi-gelinta iyo barashada Dastuurka, waayo dastuur waa heshiis qaran iyo heshiis bulsho. Dastuurka waxa ku duugan xaqa qofka, xaqa qaranka, xaqa bulshada, sinnaanta muwaadiniinta, wadaagga ummadnimo, iwm.

6. Weyneynta iyo u dar-banaanta barashadda taariikkhda ummadnimo iyo sooyaalka dalnimo ee Somaliland oo marka ay ummadnimo tahay ka soo al-kunmaya dir-sooc addowgeedka (Cushitic) iyo degannaanshaha degsiimo taariikheedda jamhuuriyadda Somaliland oo dhacda gobolka Geeska Afrika, oo xeelliga ku haysa Badda Cas ayaa ka mid ah dhulalka la rumaysan yahay in Aadmigu ka hayaamay.

Dhinaca kale, kal-tirsi taariikheedka dawladnimada jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ah qaran-nimo gun-dheer ka soo bilaabmaysa:

▪Halgankii Axmed-Gurey,

▪Nidaamka maamul ee dhaqamiga ah,

▪Heshiiskii Britain iyo Somaliland,

▪Hal-gankii Daraawiishta iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan,

▪Qaadashadii xornimo dal ee 1960-kii,

▪ Hal-gankii dib-u-Xoreynta ee SNM,

▪Yag-leelkii dawladnimadda iyo dib-u-heshiisiinta Somaliland,

▪ Qoristii Axdi qarameedkii Boorama,

▪ Qoristii iyo hirgelintii dastuurka JSL,

▪Binnayntii iyo taabo-gelintii nidaamka xisbiyadda badan, doorashooyinka iyo geeddi-socodka hannaanka dimoqraaddiyadda dalka.

Ugu danbayntii, ka wasaarad ahaan waxaa naga go’an fulinta adeegyo dadku mahadiyo oo kor u qaadaya caqliga, fahamka iyo garraadka waddaniyadda dadweynaha JSL.

Run ahaantii, si gooniya waxaannu iskaashi shaqo oo ku sar-go’an inta aannu kaga aaddan nahay waajibaadyada shaqo ee wasaaraddu qaranka u hayso la wadaagaynaa xarunta Akhriska ee Nuur oo ku taalla xaafadda Sheekh Nuur, Hargeysa iyo dhammaan bulshadda ku dhaqan dalka jamhuuriyadda Somaliland.

 

Allaa Mahad Leh.

Jamal A. Muse

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL.

LEAVE A REPLY