Fly Dubai oo Shaacisay Xilliga Ay Dib U Bilaabayso Duulimaadyada Somaliland

0
1975

Dubia (Hargeisa Press) – Shirkadda Diyaaradaha ee Flydubai oo fadhigeedu yahay magaalada Dubai ee Dalka Isu-tagga Imaaraadka, ayaa shaaca ka qaadday inay horaanta bisha August ee sannadkan dib u bilaabayso duullimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Go’aanka shirkaddu ku shaacisay bilowga duullimaadyada, ayaa ka dambeeyey kaddib markii is-afgarad laga gaadhay is-maan-dhaaf dhexmaray shirkadda iyo Xukuumadda Somaliland oo badhtamihii sannadkii 2020-kii xayiraad ku soo rogtay labada shirkadood ee FlyDubai iyo AirArabia oo lagu eedeeyey inay hoggaansameen amar dowladda Soomaaliya kaga celisay laba duullimaad oo ku soo wajahnaa garoonka diyaaradaha ee Hargeysa.

Xukuumadda Somaliland, waxa ay dhawaan shaacisay inay xayiraadda ka qaadday oo ay hawlahooda dib u bilaabayaan shirkadaha Fly Dubai iyo AirArabia.

Maamulaha Guud ee Shirkadda Flydubai Ghaith Al Ghaith, ayaa sheegay inay 10-ka bisha August dib u bilaabayaan Duullimaadyadooda garoonka diyaaradaha ee Egal International Airport, iyadoo toddobaadkii saddex jeer duullimaadyo ka dhex samayn doonta magaalooyinka Hargeysa iyo Dubai.

“Waxaanu ku faraxsanahay in aan dib u bilowno duulimaadyada magaalada Hargeysa, taas fursad u siin doonta qurbajoogta inay helaan marin kale xilliyada ay dib ugu laabanayaan dalkooda hooyo,” sidaa waxa yidhi Maamulaha FlyDubai oo ka dareen-celiyey bilowga duullimaadyada Hargeysa iyo Dubai.

“Waxaanu aaminsanahay in kalsoonida aanu haysano iyo Adeegyada heerkoodu sarreeyo ee duulimaadyada rakaabka iyo xamuulka ay gacan ka geysan doonaan fursadaha ganacsi ee Hargeysa iyo Dubai,” sidaasna waxa yidhi maamule ku-xigeenka Hawlaha ganacsiga ee Shirkadda, Sudhir Sreedharan oo ka hadlayey bilowga duullimaadyada ee Somaliland, waxaanu sheegay in shirkadda FlyDubai noqonayso shirkaddii u horeysay ee duullimaadyo toos ah ka dhex-samaysa magaalooyinka Hargeysa iyo Dubai.

Sida maamulka shirkaddu sheegay, shirkadda FlyDubai, ayaa xilligan duullimaadyo ka samaysa 11 magaalo oo ku yaalla Qaaradda Afrika, iyadoo Hargeysa noqonaysa magaalada 12aad ee shirkaddu ku xidhayso xarunta Ganacsiga adduunka ee Dubai.

Shirkadda diyaaradaha Flydubai oo ka soo kacaysa Terminalka 2aad ee Garoonka Dubai International, ayaa duulimaadyo toos ah ku imanaysa garoonka Egal International Airport maalmaha Salaasada, Khamiista iyo Sabtida laga bilaabo 10-ka August 2021.

Flydubai, ayaa markii u horeysay duulimaad ka bilowday Somaliland June 2015-kii, waxaana bilowga duulimaadkeeda xadhigga ka jaray madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay wehelinayeen maamulka shirkadda iyo wasiirkii Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland ee xilligaas Maxamuud Xaashi Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here