Faysal Cali Waraabe: “Waa Naxariis-darro in Carruurta Ceel-afweyn Duurka Gashay, Halkanna Lagu Qalinjebiyo, Labada Kornayl-na..”

0
826

Hargeisa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa nasiib-darro iyo damiir-xumo ummadda Somaliland ceebtoodu saaran tahay ku tilmaamay in Carruurta Ceel-afweyn ku dhaqan ay Colaaduhu waxbarashada ka reebeen oo ay duurka galeen, qaarna qaxeen, halka magaalooyinka kale ee dalka maalin walba xaflado qalin-jebin ah loo dabbaal-dego.

Faysal Cali Waraabe, waxa kale oo uu sheegay in ay dhawaan dhammaystirayaan waxa ka dhiman hirgelinta heshiiska ay Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo Somaliland oo aanay dhaqaajin Xukuumadda Madaxweyne Biixi.

Faysal waxa uu sidaa ku sheegay mar uu maanta hadal ka jeediyey Xaflad Qalin-jebin ah oo Hargeysa lagu qabtay. Waxa uu intaas ku daray in Dadkii nabadda ka shaqayn jiray faraha kala baxeen wax ka qabashada colaadda beelaha u dhaxaysa ee deegaanka Ceel-afweyn ka taagnayd sannadihii u dambeeyey.

Mar uu Faysal ka hadlayey Jabhado la sheegay inay ka abuurmeen gobolka Awdal iyo tabashooyinka jira qaarkood, waxa uu sheegay inay cadaw wadaan arrimaha qaar, kuwo qaldan oo la sixi karaana ay jiraan. Sidoo kale, waxa uu naqdiyey nidaamka Wasiirrada Xukuumadda Somaliland siday Xafladaha ugu mashquulaan iyo  Shaqada looga baahan yahay.

Guddoomiye Faysal waxa uu sheegay inay yihiin kuwo ujeeddaysan oo cid gaar ahi ka dambayso weerarrada iyo aflagaaddada ay dadka qaar ku hayaan Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo ah Iftiin ka dhex-shidan Somaliland, wax bandanna ku soo kordhisay kobcinta iyo soo noolaynta dhaqanka, qoraalka iyo akhriska dalka.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here