Faysal Cali Waraabe oo Shaaciyey Sababaha Fashiliyay Kulankii Madaxtooyada Ee Sadexda Xisbi

0
760

Hargeysa (HargeisaPress)  – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka warramay Hal Qodob oo ay heshiis ka gaadhi la’yihiin Xisbiyada Somaliland, kaasi oo khuseeya tirada xubnaha komiishanka doorashooyinka ee la doonayo in la dhiso.

Faysal Cali Waraabe oo Saxaafadda Maanta kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in kulan ay Xisbiyada Siyaasadda Somaliland ku yeesheen Magaalada Hargeysa la isku fahmi waayay Hal qodob, kaasi oo ah in Qolada WADDANI leedahay in Komiishanka cusub ee la dhisayo tiradooda laga dhigo 9 xubnood, halka Xisbiga KULMIYE-na leeyahay 7 xubnood ha laga dhigo, qodobkaasi oo laf dhuun-gashay ku noqday habsami socodka hawlaha doorashooyinka.

Guddoomiyaha UCID oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Cadho laguma kala tagin ee Hal Qodob ayaa la isku fahmi waayay, waxaana la yidhi qodobkaasi ha inoo furnaado, Wada-hadalkuna ha inoo socdo.”

Guddoomiye Faysal wuxuu faahfaahiyey qodobka illaa hadda la isku fahmi la’yahay “Qodobkaasina waa Komiishanka imika ma 7 Xubnood baa la Magacaabaa mise 9 xubnood baa la Magacaabaa, markaa Qolana waxay leedahay imika 7 xubnood hala Magacaabo sida Xeerku dhigayo, Baarlamaanka dambe markuu yimaaddana labada kale ha laga daba-geeyo, Qolada kalena waxay leedahay imika 9 hala Magacaabo, markaa waxa la isku hayaa waa wax fudud, imikana lama kala diro (Komiishanka)..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Berigii aanu tagnay Kenya ayaa la nagu yidhi ‘Waad isu tanaasuli jirteene, maxaa idinku dhacay’?, waxaanu nidhi ‘Waa Run oo waanu isu tanaasuli jirnee, berigaa Muuse iyo Cirro ayaan talada goyn jirin’, markaa labadaa ayaanu fahmi waynay, markaa labadooda ayaan isku tanaasulayn, laakiin in midkood Tanaasulo Raganimo ayay u tahay..”

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY