Faroole: Farmaajo Waa Loo Heshiin Doonaa Hadduusan Sameyn Dib U Heshiisiin

0
732

Kismaayo (Hargeisa Press)- Madaxweynihi hore ee Puntland hadda ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanahay ka qeybgalka Xafladda Caleema saarka ee Madaxweyne Axmed Madoobe.

Faroole ayaa sheegay inuu yahay nin ka war qaba marxalidihii ay soo martay Jubbaland, wuxuuna sheegay inay Dowladda Soomaaliya ka baxday heshiisyo ay la galeen Axmed Madoobe oo uu ugu dambeeyey midkii ay soo saxeexeen Ra’isal wasaare Kheyre iyo Taliyaha Nabadsugidda Fahad Yaasiin.

Faroole ayaa madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu dib u heshiisiin qabto ka hor inta aanu xilka ka tagin, taas haddii laga waayana ay noqon doonto inay inta kale isaga u heshiiyaan.

“Inta aadan tagin dib u heshiisiin samee, haddii aadan heshiisiin, inta kalaa heshiinaya ama adiga ayay ku heshiinayaan” ayuu yidhi Faroole.

Faroole ayaa sheegay in ficilada maanta ay waddo dowladda Soomaaliya ay yihiin burburin iyo kala qeybin.

Dowladda ayuu ku eedeeyay in ay kasoo horjeedo Nidadaamka Federaalka, islamarkaana aan la hor istaagi karin heshiiska ay gaadheen bulshada Soomaaliya.

“Ficilka maanta socda waa burburin marka waxaana ugu baaqaynaa Madaxweynaha Soomaaliya dib u heshisiiniin”ayuu yidhi Senetor Faroole.

 

Hargeisa Press Desk/Kismaayo Office.

LEAVE A REPLY