Faro-weyne: Qaylo-dhaan ka soo yeedhay Deegaamo Abaartu Marayso Marxaladii ugu adkayd + SAWIRRO

0
1061

 

Musawirka duruufo qalafsan oo ay ku sugan yihiin bulshada ku dhaqan Deegaamada hoos yimaada Degmada Faro-weyne..Warbixin: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

Faro-weyne , (HargeisaPress) โ€”Degmada faro-weyne waa degmo balaadhan oo xukunta dhul baaxad leh. Deegaamada hoos yimaada waxa kamida Hara-cadaaadley, Dacarta, Maraaga, Cadaroosh, Magaalo-xoosh, Sayla galbeed, Dacawaley iyo deegaamo kale oo badan, kuwaasoo dhamaantood ay wakhtigan ka taagantahay Abaar aad u qallafsan ooย ย meelaha qaar maraysa heerkii ugu adkaa.

79905259-88e3-4a8c-be8d-e847653b3582

Guud ahaan Dhulku waa xaaluf oo Caws iyo Xaab toona ma dulsaarna Carrada Dusheeda, geeduhuna waxaad moodaa inay qalalleen oo waa qoryo tag-taagan. Inta badan way adagtahay inaad Xoolo meel daaqaya aragto ama Indhahaagu qabtaan markaad dhex marayso dhulkaas. Waxa dhici karta inaad meel-meel ku aragtoย ย Neefaf Geel ama Adhi ah oo caato badani ka muuqato oo beer ku xeraysan ama guri ku dul xidhan. Loโ€™ iyada hadalkeedaba daa.

 

Deegaamo aad ugu wanaagsan wax soosaarka Beeraha, kuna yaalaan Beer-qodaal tiro badan oo ay ka baxaan Raashinka iyo Khudrada noocyadeedu, ayaa waxa laย ย moodaa inaanu toban sannadood Dalag ka soo bixin Buska iyo qalaylka ka muuqda markaad aragto. sida Deegaanka Abu-riin oo uu ku yaallo mashruucii horumarinta Beeraha ee Gobolka Waqooyi-galbeed.

01ed5bb1-4c3e-4a0d-b0ad-1e7803cdd80f

Inkastoo Deegaamada qaarkood dhawaanย ย la gaadhsiiyey waxoogaa taakulooyinย ย ah oo kooban,ย waxa jira deegaamo aan waliย ย dawlad iyo rayid toona cid gurmad u fidisay jirin oo ay xoollihii baxeen, dadkunaย ย iminka halis daaqayo, kuwaasoo ah Deegaamo xoolo dhaqato ah.
Waxa kamid ah Deegaankaย ย Dacawaley oo ah deegaan guud ahaanba ka arradan noocyada adeegyada aasaasiga ah, sida Caafimaadka, Biyaha, Waxbarashada iyo adeegyada kale ee darruuriga ah, sidoo kalenaย ย ay Abaartu jilbaha dhigtay.

65121d1f-28d2-4700-a990-8dac23aad42b

Bulshada ku dhaqan tuuladan Dacawalay iyo nawaaxigeeda ayaa sheegay inaanay wax kaalmo ah ka helin Dawlad iyo cid kale toona, xataa intaanay Abaartu dhicin.ย โ€œ Deegaankan dacawaley waxaad moodaa inaanu Somaliland ka tirsanayn hadday abaari jirto iyo haddii kaleba. Wax dawlad iyo meel kale toona ka soo gaadhay ma jiro, cid war noo haysaana ma jirtpโ€ sidaas waxa yidhi Yaasiin Xaaji Muuse Cabdile oo kamid ah Odayaasha Tuuladaย ย Dacawaley.

 

Yaasiin Xaaji Muuse ayaa isagoo hadalkiisa sii wata ka waramay waxyeelada abaarta โ€œabaar xun oo dhan walba saameysay ayaaย ย na haysa, Dadka meeshan joogaa Lug kaneeco ayey ku taaganyihiin. Abaartu Itimaalbay gaadhay. Xagii biyaha ayey naga haysaa oo noogu daran. Xaggii cuntada ayey naga haysaa, xagii Beeraha iyo xagii xoolahaba, hadda waa khalaas halkan xaaladaanu ku jirnaa โ€œayuu hadalkiisa ku daray Yaasiin.

0775c244-889a-4e5b-ac94-13b2351d61b0

Hal Iskuul oo ka kooban laba Fasal oo ilaa heerka saddexaad ee Waxbarashada hoose lagu dhigto, ayaa ka dhisan Tuulada Dacawaley. Malaha xarun Caafimaad, goobo lagu barto Culuumta Diinta,ย ย Rug Boolis iyo adeegyo kale toona, hase ahaatee dhamaan baahiyahaasi maaha kuwo ay iminka helidooda maanka ku hayaan Bulshada halkaas ku dhaqani. Maxaa yeellay? waxa halis ku jirta noloshii caadiga ahayd ee Dadka, duunyo in loo werweraana way dhamaatay, sida uu sheegay Axmedyaasiin oo kamid ah Waxgaradka Deegaankan. โ€œ Dadkii halisbuu ku jiraa, xoollihiina way sii dabar-goโ€™ayaanโ€ ayuu yidhi Axmed Yaasiin. โ€œtobanka Maalmood ee soo socda haddaan gurmad lala soo gaadhin deegaankan wixii ka dambeeya mooji si uu xaalku noqon doono, waayo waxa jira dad aan saaka xoolo u foofin oo iyagii iyo xoolihiiba isku dul xeraysanyihiinย ย oo dheriga wada sugaya. Dad iyo xooloba dheri ku nool ayaanu nahay.โ€ ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo xusay โ€œ wax gurmad ah Booyad Biyo ah ayaa naga soo gaadhay dawladda oo mar naloo keenay , waxaasina wax wax ka taraya maaha shan booyadood ayaan waxba ka tarayn.โ€

 

Cabdi Cali-talyaani wuxuu meherad yar ku haystaa tuulada, waa 50 jir dhalay sagaal Carruur ah, waxaanu kamid yahay dadka Xoolo dhaqatada ah ee deegaanka ku nool, isagoo ka waramaya saameynta ay abaartu ku yeellatay deegaanka, waxa uu sheegay โ€œ Adhigu hadduu tirada iyo badhka ahaa waxa ka sii nool 70 ilaa 60 neef, meel walba bakhtibaa yaal. Todobaad walba waxaan u kariyaa xoolaha shan gabdadood oo Galay ah xaaluf darteed.raashinkii dadku cunayeyna hadalkiisaba daaโ€.

f7820eef-829e-4169-9ef3-a1d8c9611fb8

Cabdi Cali, wuxuu intaas ku darayย ย โ€œ markaa Dadka iyo Xooluhuba waa dheri ku nool. Raashinbaa loo kariyaa adhiga, raashinkii loo karinayey xoolahanaย ย iminka waaba la waayey gaajuu u dhimanayaa adhigu. โ€œ โ€“ โ€œ Caleenta waxaanu u doonanaaย ย meel kala baydh ka shishaysa, haddii lays yidhaahdo doonta Gaadhigu wuxuu ku imanayaaย ย laba milyan iyo shan boqol oo shillin (2500,000.000shls), lacagtaasna cid haysataa ma jirto oo xoolihiiย ย saylad lama geyn karo oo waa caato, iib ma gelayaanโ€.

 

Maamulka Degmada ayaa ka gaabiyey xogogaal u noqoshada iyo la socodka xaaladaha bulshada deegaankan degen,sida ay sheegeen waxgaradka deegaankaย ย oo intaasi ku daray inaanu Guddoomiyaha Degmadu waligii cag soo dhigin deegaanka tan iyo markii la magacaabay, taasna ay u arkaan mid uu ka badheedhay.

0a088233-0a93-47b4-8bc3-8f1ef216c3e0

Dhanka kale, Deegaamada Dacarta, Magaalo-xoosh, Cadaroosh iyo Sayla Galbeed oo aanu socod ku marnay, ayaa waxaย ย bulshooyinkaย ย ku dhaqani sheegeen inay mashaqada Abaarta darteed dad iyo xool beerka dhulka lagu hayo.

 

Guddida Abaaraha

 

Bulshooyinka ku dhaqan Deegaamadan faro-weyne ayaa dhamaantood si isku mid xukuumadda uga codsaday inay Gurmad u fidiso, isla markaana la soo gaadho Biyo iyo cunto deg deg ah, iyagoo dhanka kale dalbaday inay Hayโ€™addaha caafimaadku daawooyinka nafaqo-darada la soo gaadhaan, si carruurta, dumarka Uurka leh iyo guud ahaan dadka jilicsan loogula tacaalo xaaladdooda caafimaad.

 

 

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa bishan Febraayoย horaanteedii magacaabay guddi heer qaran ah oo ka shaqeeya gurmadka Abaaraha, kuwaasoo ay taakulo iyo waxtar ka sugayaan Bulshada ay abaaruhu saameeyeen eeย ย ku nool Gobolada dalka.

 

ย 

Wariye: Saleeban Cabdi Cali

Email:ย curad1986@hotmail.comย ย 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here